Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo markale dacwad ka dhan ah kenya u gudbiyay Maxkamadda Cadaaladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xeer ilaaliya guud ee Qaranka oo dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ku sugan dalka Holland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gudbisay Maxkamadda cadaaladda ee caalamka dukumintiyo ka jawaabayay dalab ay horey maxkamadda cadaaladda ugu gudbisay dowladda Kenya, kaas oo ku saabsanaa in muranka dhanka badda ah ee labada dal lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda.

Dr Axmed Cali Daahir oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in markale ay warqad ka dhan ah Kenya u gudbiyeen Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, waxaana uu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya lagu dhameeyo han sharci ah, oo aysan ogolaan doonin wax wada hadal ah.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Waxaan joognaa Maxkamadda Caalamiga ah, aniga, safiirka iyo qareennada waxaana u imid in aan gudbino jawaab ku saabsan warbixinta oo ay kalhore keentay Kenya, runtii 5-ta bishan ayay ku ekeyd, Alxamdullilah waqtigii naloo qabtay ayaan ku keenay, runtii jawaab ku filan tan Kenya ay maxkamadda keentay ayaan maanta u gudbinay, runtii sanadkii hore anagu waxaan si rasmi ah u soo gudbinay dacwad buuxdo, balse Kenya ayaa soo gudbisatay warqad ay ku hor istaageyso in dacwadda la qaado, anaguna markale ayaan jawaab ka  dhan ah arrintaasi keenay Maxkamadda” ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in rajo aad iyo ad u sareysa ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka qabaan ku guuleysiga kiiskan la xiriira dhanka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Previous Post

Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Suudaan oo hishiis ku kala saxiixday Khartoum ”SAWIRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In