Saturday, June 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo markale dacwad ka dhan ah kenya u gudbiyay Maxkamadda Cadaaladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xeer ilaaliya guud ee Qaranka oo dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ku sugan dalka Holland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gudbisay Maxkamadda cadaaladda ee caalamka dukumintiyo ka jawaabayay dalab ay horey maxkamadda cadaaladda ugu gudbisay dowladda Kenya, kaas oo ku saabsanaa in muranka dhanka badda ah ee labada dal lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda.

Dr Axmed Cali Daahir oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in markale ay warqad ka dhan ah Kenya u gudbiyeen Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, waxaana uu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya lagu dhameeyo han sharci ah, oo aysan ogolaan doonin wax wada hadal ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026

“Waxaan joognaa Maxkamadda Caalamiga ah, aniga, safiirka iyo qareennada waxaana u imid in aan gudbino jawaab ku saabsan warbixinta oo ay kalhore keentay Kenya, runtii 5-ta bishan ayay ku ekeyd, Alxamdullilah waqtigii naloo qabtay ayaan ku keenay, runtii jawaab ku filan tan Kenya ay maxkamadda keentay ayaan maanta u gudbinay, runtii sanadkii hore anagu waxaan si rasmi ah u soo gudbinay dacwad buuxdo, balse Kenya ayaa soo gudbisatay warqad ay ku hor istaageyso in dacwadda la qaado, anaguna markale ayaan jawaab ka  dhan ah arrintaasi keenay Maxkamadda” ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in rajo aad iyo ad u sareysa ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka qabaan ku guuleysiga kiiskan la xiriira dhanka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Previous Post

Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Suudaan oo hishiis ku kala saxiixday Khartoum ”SAWIRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka...

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026
0

Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS mudane Abuka Jeylaani Sheekh ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud...

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

June 20, 2026
0

Waxaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano, kuwaas oo ka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa saaka magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray Imtixaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In