Sunday, April 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaaradda arrimaha dibadda oo shaacisay Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda “War-saxaafadeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa sharaf weyn u ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay dunida u bandhigto maanta Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay tiirarka xoojiya nabad-gelyada iyo ammaanka qaran ee heer gobol iyo heer caalami ah, iyadoo ka qeybgal rasmi ah laga sameynayo diblomaasiyadda laba geesoodka iyo midda dhinacyada badan . oo uu barbar socdo fulinta waajibaadka la xiriira balamada, heshiisyada caalamiga iyo dhiirigelinta howlaha ganacsi iyo dhaqaale si loo gaaro horumar waara .

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

April 26, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

April 26, 2026

Waa Markii ugu horeysay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la qoray, laguna saleeyay howl wadajir ah oo hubineysa nabadda , horumarka iyo barwaaqada gobolka iyo caalamka . dhabahan waa mid u suura-gelinaya Soomaaliya inay wax wadaag faa’ido leh sameyso si dawo loogu helo caqabadaha balaaran ee hortaagan dunida maanta sida horumar waara , ilaalinta deegaanka ,xuquuqda aadanaha iyo ka hortagidda argagaxisada .

Soomaaliya, iyadoo ka guul-keeneysa ujeeddooyinka Siyaasadda Arrimaha Dibadda, waxa ay la shaqeyn doontaa dhammaan dowladaha iyo Ururada wax wadaaga kala dhaxeeya si loo hubiyo fulin guul huwan oo ku qotanta aragtideena, si loo gaaro horumar qaran, mid gobol iyo mid caalami ah.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waa mid cad dhex dhexaadnimadeeda iyo waajib gudashadeeda ee ah ilaalinta Madax banaanida , qaranimada iyo midnimada dalka Soomaaliya .

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post
Barnaamijka Faaqidaada Wararka

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin...

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KENYA):-Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Soomaaliya ayaa kulan ku qabatay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kaas oo ay la...

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen badda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In