Thursday, December 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaaradda arrimaha dibadda oo shaacisay Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda “War-saxaafadeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa sharaf weyn u ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay dunida u bandhigto maanta Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay tiirarka xoojiya nabad-gelyada iyo ammaanka qaran ee heer gobol iyo heer caalami ah, iyadoo ka qeybgal rasmi ah laga sameynayo diblomaasiyadda laba geesoodka iyo midda dhinacyada badan . oo uu barbar socdo fulinta waajibaadka la xiriira balamada, heshiisyada caalamiga iyo dhiirigelinta howlaha ganacsi iyo dhaqaale si loo gaaro horumar waara .

Related posts

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025

Waa Markii ugu horeysay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la qoray, laguna saleeyay howl wadajir ah oo hubineysa nabadda , horumarka iyo barwaaqada gobolka iyo caalamka . dhabahan waa mid u suura-gelinaya Soomaaliya inay wax wadaag faa’ido leh sameyso si dawo loogu helo caqabadaha balaaran ee hortaagan dunida maanta sida horumar waara , ilaalinta deegaanka ,xuquuqda aadanaha iyo ka hortagidda argagaxisada .

Soomaaliya, iyadoo ka guul-keeneysa ujeeddooyinka Siyaasadda Arrimaha Dibadda, waxa ay la shaqeyn doontaa dhammaan dowladaha iyo Ururada wax wadaaga kala dhaxeeya si loo hubiyo fulin guul huwan oo ku qotanta aragtideena, si loo gaaro horumar qaran, mid gobol iyo mid caalami ah.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waa mid cad dhex dhexaadnimadeeda iyo waajib gudashadeeda ee ah ilaalinta Madax banaanida , qaranimada iyo midnimada dalka Soomaaliya .

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post
Barnaamijka Faaqidaada Wararka

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii 20-aad ee kalfadhiga 7-aad,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025
0

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.   

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

December 10, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

December 10, 2025
0

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December) ayaa sanadkan si gaar ah diiradda u saaraysa kor u qaadista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In