Wednesday, June 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Siyaasad danguud ah waan sameyn karnaa, balse siyaasad dangaar ah ma sameyn karno”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 7, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha “Baarlamanku waa inuu dedejiyaa meel marinta sharciyada muhiimka u ah waddanka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwyenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo taabaneysa ka jeediyay golaha shacabka ayaa xusay in talada dalka ay wax ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gudbay xilligii siyaasadda dadkale ay sameyn jireen.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ugu horeyn baarlamaanka ka codsaday inay kalsooni badan ku qabaan madaxdooda, isla markaana ay meesha ka saaraan in iyagu laga maarmay.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

June 10, 2025
Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

June 10, 2025

“Waxaan idinka codsanaya in aad meesha ka saartaan in baarlamaanka laga maarmay, waxaan rabaa in aan idin cadeeyo in aan la idinka maarmin, kalsoonidaas intaad ku joogtaan waa muhiim” isagoo intaa ku daray in uu dadaal badan u galay in talada Soomaaliya ay Soomaalida dhexdooda ah loo daayo

“Siyaasadda manaloo sameyn karo, waxa kale waa naloo qaban karaa dhanka taageeridda amniga, dhismaha xarumo muhiim ah, tan kale siyaasad kuma sameyn karno marxaladihii adkaa ee laga soo gudbay, gaar ahaan siyaasad dad dangaar ah ka leh ma sameyn karno, balse Siyaasad danta guud ah waan sameyn karnaa, waana ku soconaa wadadeeda” ayuu yiri Madaxweynaha.

Amniga

“Shilkii ugu dambeeyay ee Liido ku dhacay oo Hooyo, carruur iyo dad kale maato ah lagu laayay, dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi waa argagixiso, waa tuug burcad ah oo u bareeray leynta maatada, kuwaasi waxa ay u baahanyihiin in Ummadda laga dhexqabto,” ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkiisa ku daray in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dadka ku dhexjiraan, loona baahanyahay in wacyi gelin guud la siiyo bulshada si gacanta loogu dhigo kooxaha dadka dhibaateynaya.

Madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay in hay’adaha amniga ay kala hadleen in dadka lagu soo qabto howlgallada aan dhibaato loo geysan, isla markaana lagu sameeyo oo kaliya baaritaanno lagu ogaanayo, waxaana uu intaa raaciyay in ciddii lagu arkay, iyadoo jirdil u geysanaysa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Badbaadada Ummadda, jiritaanka Qaranimada in aan u istaagno waa waajib nalooga baahanyahay, mas’uuliyadda amniga anaga ayaa iska leh, marka waxaan rabnaa in gacan lagu siiyo hay’adaha ammaanka qaabilsan oo lagu taageero howlaha loo idmaday, sax ma ahan in dad u taagan xaqiijinta amniga aan idaacadaha ka dacayadeedu, wixii qalad ah ee jira waxa ay leedahay hab loo marsiiyo dadka madaxda u ah” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha oo codsaday in la dhiiri geliyo hay’adaha Nabadgelyada qaabilsan.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in qofkasta oo ka tirsan hay’adaha dowladda looga baahanyahay inay u hogaansamaan ciidanka amniga sugaya, isla markaana goobaha baaritaannada ay ciidamada ku suganyihiin la maro baaritaanka, taasi oo uu ku sheegay inay dhiiri gelin doonto ciidanka.

Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde loo hayo shaqsiyaad lagu tuhmayo inay ku luglahayeen, isla markaana ay ku socoto howlo baaritaanno ah, cadaaladdana la horgeyn doono marka ay baaritaanka dhamaato.

Dhaqaalaha

Madaxweynaha oo arrimaha dhaqaalaha ka hadlayay ayaa sheegay in xoogaa horumar laga gaaray xagga dhaqaalaha, isagoo dhanka kale xusay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhalinta ku qaldeen lacag, loona baahanyahay in arrimahaasi wax laga qabto oo dhalinta mustaqbal fiican lagu horseeddo.

“Waxaan kaloo rabaaa in aan hadalkeyga ku soo gunaanado dhalinyarada u dagaallanka Al-Shabaab waxa ay u badanyihiin kuwa aan ku qanacsaneyn caqiidda kooxda Shabaab, balse ay jiraan daruufo adag oo ku kalifeysa, marka waxaa loo baahanyahay in aan u wada istaagno sidii dhalinta ay marin habaabiyeen Al-Shabaab loogu sameyn lahaa wacyigelin guud iyo shaqo abuur” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baarlamaanka uga mahadceliyay sharciyada muhiimka ah ee ay meel mariyeen.

 

 

Previous Post

Wasaaradda Cadaaladda oo soo bandhigtay fursad shaqo

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey go’aankii Golaha Barlamaanku ku ansixiyeen Xubin ka noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamka

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey go’aankii Golaha Barlamaanku ku ansixiyeen Xubin ka noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamka

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey go’aankii Golaha Barlamaanku ku ansixiyeen Xubin ka noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

June 10, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan dhiirrigelin...

Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

June 10, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah...

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

June 10, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmihii...

Guddoomiyaha G/Banaadir oo deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka

June 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In