Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey go’aankii Golaha Barlamaanku ku ansixiyeen Xubin ka noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 7, 2016
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey go’aankii Golaha Barlamaanku ku ansixiyeen Xubin ka noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aaden Ibraahim Ferkeeti ayaa soo dhaweeyey ansixintii Goluha Barlamaanku ay ansixiyeen hindisihii ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyada ee ku aadanaa ka xubin noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamiga iyo Horumarinta (Islamic Cooperation of Development) ICD.

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aaden Farkeeti ayaa u mahadceliyey Xubnaha Golaha Barlamaanka, sida wada shaqayntu ku dheehan tahay ee ay u ansixiyeen xubin ka noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamiga iyo Horumarinta.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

“Hay’ada Iskaashiga Islaamka iyo dhiiri galinta Ganacsiga waxay u sahlaysaa Soomaaliya iney fursado u helaan illo dhaqaale oo dibadda uga yimaada taas oo kor u qaadaysaa wax soo saarka, waxayna siinaynsaa taageero shirkadaha ku howlan ganacsiga yar yar iyo kan dhexe, waxaa kale oo ay dhiiri galinaysaa hal buurka ganacsiga, iyo tarntan sare u qaadi kara ganacsiga gaarka loo leeyahay. Ansixinta heshiiska ICD wuxuu awood u siin doona Soomaaliya inaan kor u qaado ganacsiga gaarka loo leeyahay si uu uga qeyb qaadaato shaqo abuurka gaar ahaan dhalinyarada shaqada doonka ah” ayuu yiri Wasiir Ferkeeti.

Hay’ada Iskaashiga Islaamka iyo Horumarinta Ganacsiga waxay taageertaa wadamada xubnaha ka ah iyadoo ka caawisa in ay awood ahaan iyo siyaasad ahaana horumariyaan dhiiri galinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, sidoo kale ICD ay kor u qaada asaaska, balaarinta iyo casriyeeynta ganacsiga gaarka loo leeyahya iyadoo u maraysa la talin dadka ku howlan, iyo wadamada xubnaha ka ah, waxaa kale oo ICD balaarisaa kaalmada la siinayo shirkadaha taas oo u sahli karta iney kor u qaadaan ganacsigooda dhanka khibrada iyo xirfadaba, iyo si ay u helaan xiriiro caalami ah.

Previous Post

Madaxweyne Xasan “Siyaasad danguud ah waan sameyn karnaa, balse siyaasad dangaar ah ma sameyn karno”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In