Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

JEEM CUP ” Da`yarta Emirates oo Barbardhac ka helay Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 9, 2016
in Ciyaaraha, Wararka
0
JEEM CUP ” Da`yarta  Emirates oo Barbardhac  ka helay Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

DOHA:  Da`yarta Ciyaartoyda Iskuulka Muqdisho  ee ku guuleystay tartankii Jeem Cup ee Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare,iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo 05 December 2015 lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Muqdisho, Tartankaasina ay ku guuleysteen Iskuulka Muqdisho oo iminkana matelaya Soomaaliya qeybna ka ah Ciyaaryahanada  uga qeybgalaya Tartanka Jeem Cup ee  11 jirada oo ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Ciyaar  aad u kulul ayay Da`yarta  ciyaaryahanada Soomaaliyeed  kaga hor yimaadeen  Emirates, iyadoo daqiiqadii 2`aad ay suragashay in gool qurux oo dhexda laga soo laaday uu shabaqa ku hubsado ciyaaryahanka Kabtanka ah Cusmaan Salaad Cabdi  kaas oo ay la noqon waysay goolhayaha Emirates awoodda ay kubadda ku soo dhaaftay isla markaana deg dega  shabaqiisa u cuskatay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Fursado  badan oo ay Da`yarta Soomaaliya  iska lumisay ka dib waxaa Ciyaaryahanada Emirates u suragashay daqiiqadii 11`aad inay barbardhac la yimaadeen, iyadoo ciyaartaasi guud ahaan ay ku soo idlaatay 1-1.

“Ciyaaryahanadeena waxay soo bandhigeen ciyaar aan aad ugu qanacsanahay, waxaa Leylinayay Macalimiin khibrad leh sida Cusmaan Maye Abukar halyeey kooxdii Horseed iyo ku xigeenkiisa Cusmaan Cabdi Cusmaan, kulanka xigga ee aan la yeelaneyno Sacuudiga waxaan rajeynaynaa inaan guul ka soo hooyno Iinsha Allaah” ayuu  website-kan u sheegay Maxamed Cusmaan Naastaro  oo dhinaca Maamulka mas`uul uga ah Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ka qeybgalaysa Tartankan.

Si kastaba Tartankan ayaa furmay 07 Febraayo 2016 waxaa ka soo qeybgalay 17 Iskuul oo ka kala socda wadamada Carabta, waxaana  Soomaaliya (Mogadishu School) Group-ka  C  kuwada jiraan Imaaraadka, Sacuudiya iyo Qadar.  Soomaaliya ayaa  ciyaarta labaad  ee Jeem Cup la ciyaaraya dhiggooda  dalka Sacuudiga  Maalinta Khamiista oo ku beegan 11/02/2016.

8-Mohamed Naastaro 14Somalia_JeemCup

07-Somalia_JeemCup

6-Somalia_JeemCup

05 Somalia_JeemCup

04Somalia_JeemCup

10-10malia_JeemCup

10-Somalia_JeemCup

11-Somalia_JeemCup

13-Somalia_JeemCup

14Somalia_JeemCup

 

Previous Post

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka “Booliska waa saaxiibka koowaad ee shacabka” SAWIRRO

Next Post

Wasiir Odawaa”Baaqnabadeed ayaan u dirayaa Ururka Ahlusunna”

Next Post
Barlamaanka oo su’aalo weydiinaya wasiirka Arrimaha Gudaha

Wasiir Odawaa"Baaqnabadeed ayaan u dirayaa Ururka Ahlusunna"

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In