Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaano Hoostaga Ceel Buur Oo Lagu dilay Maleeshiyaad Ka Tirsan Argagaxisada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 12, 2016
in Wararka
0
Amniga Ceelbuur oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sedax ka tirsan argagaxisada maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa lagu dilay  tira kalana waa lagu dhaawacay kadib hawlgal ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Afrika ee Amisom ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanno hoosyimaada Degmada Ceelbuur.

Korneel Axmed Maxamed Tareedishe oo ah Taliyaha Ciidanka qeybta bariga Galgaduud ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Ciidanku ay weerar kala hor tageen markii ay maqleen xogo ku saabsan maleeshiyaadkaasi in ay wadaan abaabul dagaal oo ay la damacsanaayeen fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka sidaasina ay jab xoog leh ku gaarsiiyeen kooxdaasi gabalkoodu uu sii dhacay ee Shabaab.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025

Korneelka oo sii hadlay ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku qabteen 1 dhagar qabe  oo dhaawac ah iyo laba meyd ahna ay ka carareen, iyo 3 dhaawac oo qaateen sidaasna ay jab xoog leh ay ku gaarsiiyeen.

Kaddib markii ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay casharka u dhigeen maleeshiyaadka isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed  ee UGUS, waxaana ay qabteen kooxdaasi meel jiq ah oo markii hore ay si dhuumaaleysi ah ay kaga soo baxeen.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa waayihii dambe baacsanayay maleeshiyaadka argagaxisada ee gabalkoodu dhacay, kuwaa oo mar walbo looga daba tago deegaanada Howdka ah oo ay ku dhuumaaleystaan maadaama aysan u babac dhigi Karin awood ahaan ciidamada Qalabka Waxaana guulaha isdaba jooga ah ay soo hoynayeen sooma jeestayaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed oo qaati ka taagan hagardaamooyinka lagu bartay UGUS.

Previous Post

Kulan Looga Hadlay Doorka Jaamacada Carabta Ee Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post

Daawo Sawirada:-Sida Quruxda Badan Maanta Loogu Damaashaadayay Xeebta Liido

Next Post
Daawo Sawirada:-Sida Quruxda Badan Maanta Loogu Damaashaadayay Xeebta Liido

Daawo Sawirada:-Sida Quruxda Badan Maanta Loogu Damaashaadayay Xeebta Liido

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandoosta Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga,...

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: 1-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska diiwaan geliyay mid ka mid ah goobaha codbixiyeyaasha doorashada ee Degmada...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In