Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa magaalada Garoowe Danjiraha midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michele Cervone iyo saraakiil uu hoggaaminayey oo ka socotey midowga yurub,
Waxeyna kawada hadleen arrimo badan oo ay kamid ahaayeen la dagaallanka argagixisada, dhismaha jidka isku xira Garoowe iyo Gaalkacyo iyo Barnaamijka axsaabta badan oo lafilyo inay Puntland ugudubto dhowaan.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michele Cervone ayaa sidoo kale waxay si wada jir ah xadhigga uga jareen dhisme cusub oo uu midowga yurub ku soo kordhiyey Dugsiga sare ee Al-waaxa ee Magaalada Gaoowe, dhismahaas oo wax badan ku soo kordhiyey waxbarashadii dugsigaasi.
Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi kadib waxa uu munaasabad lagu daah-furayey Wejiga labaad ee Mashruuc loogu magac daray Waxbarashadu waa Iftiin, isla markaasina lagu soo xidhayey wejigii koobaad ee isla-mashruucaasi kaga qayb galay Xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta Puntland ee PDRC.
Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Danjiraha midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone, Saraakiil ka socota Hay’adaha Puntland kala shaqeeya arrimaha wax-barashada, saraakiil kasocoto Madaxtooyada Puntland iyo dadweyne kale.
Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michele Cervone ayaa markii la soo afmeeray munaasabadaasi shirjaraa’id ku qabtay xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta ee PDRC, waxana ay kaga warbixiyeen Mashcuura Aqoontu waa Iftiin oo midowga yurub uu ka caawiyo Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Barnaamijkan maanta la daah furay uu yahay mid u gaar ah Puntland oo keliya maadaama ay wasaaradda waxbarashada Puntland noqotay mid kudayasho mudan isla markaana ay ka shidaal qaataan Hay’adaha waxbarahsada kale ee Soomaaliya.
“Barnaamijkani waxa uu socon doonaa muddo saddex sanno ah, waxaana lagu dhisayaa ilaa 70 Iskuul, welibana 145 fasal oo kale lagu biirin doono waxbarashada Puntland, barnaamijkaasi waxa uu gaar u yahay Puntland, wasaaradda waxbarashada Puntland-na waxay noqotay mid lagu faani karo, ayna ka shidaal qaataan waxbarashada kale e Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.
Ambassador Michele Cervone ayaa isaguna geestiisa sheegay Puntland in ay ku guulaystey hirgelinta nidaam waxbarasho oo tayo leh kaas oo noqday mid Soomaaliya inteeda kale ay kaga dayan doonaan Puntland, midowga yurubna uu sii xoojinayo taageerada ay la garab taagan yihiin Puntland ee dhinaca waxbarashada ah.
Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in ay Puntland ka caawin doonaan Barnaamijka dimuqraadiyaynta kaasoo hore ay uga caawin jireen Puntland , iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalah oo ay ugu horayso Waddada isku xidha magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.