Waxaa maanta 17-Feb-2016 lagu dhaariyey Aqalka Madaxtooyada Maamulka Puntland ee Garoowe Wasiiru Dawlaha Caafimaadka ee maamulkaasi Sayid-Cumar Aadan Guuleed oo dhowaan xilkaasi u magcaabay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Munaasabadda dhaarinta Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay ka dhacday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey.
Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa dhaarinta ka dib kula dar-daarmay Wasiiru Dawlaha in uu shaqadiisa daacadnimo u guto isla markaana la yimaado dedaal dheeraad ah si loo sii dar-dargeliyo Caafimaadka deegaanada Puntland.
“waxaan kugula dar-daarmayaa in sida aad u dhaaratay aad xilkaaga u gudato, lana timaadid dedaal iyo daacadnimo dheeraad ah, isla markaana aad ka fogaatid waxkasta oo gudashada waajibaadkaaga kaa weecinaya”ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng.Camey.
Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaasi ayaa sidoo kale Eebe uga baryey Wasiiru Dawlaha maamulkaasi in uu xilka culus ee loo igmaday uu u fududeeyo, isla markaana uu kadhigo mid wax badan kusoo kordhiya Caafimaadka Puntland.
—DHAMMAAD—