Monday, November 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhaweeyay xulka 11 sano jirada ee Soomaaliya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo soo dhaweeyay xulka 11 sano jirada ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciyaatowda xulka qaranka 11 sano jirada ee Soomaaliya oo dalka Qatar ugu qeybgalay tartanka kubadda cagta ee dugsiyada wadamada Jaamacadda Carabta oo manata ku soo laabtay dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyin kale.

Wasiiro dowlaha waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya C/laahi Bile Nuur, oo kamid ahaa mas’uuliyiinta garoonka ku soo dhaweeyay ciyaartowda ayaa warbixin ka sii madaxweynaha sida wasaaradda ay u ababushay dhalinyaradan Soomaaliyeed isla markaana guulo ka soo hoyay.

Related posts

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

November 3, 2025
Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

November 3, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay si aad ah u soo dhaweynayaan talaabada wasaarada waxbarashada ay sameysay, isagoo sheegay in Iskuulka ardaydan wax ka bartaan uu aasaasay sanadkii 1996.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiirigelin intaan ka badan ay u sameyn doono ciyaartowda xulka qaranka isla markaana aad ugu faraxsan yahay wacdarihii ay ka dhigeen tartankii Jeem Cup ee dalka Qatar lagu qabtay.

Intaas kadib ciyaartowda ayaa koo soo gelbiyay xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta, waxaana halkaasi loogu qabtay xaflad soo dhaweyn aheyd.

Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaarada waxbarashadda, waalidiin, qaar kamid ah ardayda wax ka barata dugsiyada hoose ee magaalada Muqdisho iyo dadweyne aad u badan.

Kooxda Iftiin ee wasaaradda waxbarashada ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan lagu dhiirigelinayay xulka 11 sano jirada ee Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo cambaareyay weerarkii ka dhacay Ankara, tacsina u diray Madaxweynaha Turkiga

Next Post

Kenya oo sheegtay in ay dishay horjooge ka tirsan  Al Shabaab

Next Post
Kenya oo sheegtay in ay dishay horjooge ka tirsan  Al Shabaab

Kenya oo sheegtay in ay dishay horjooge ka tirsan  Al Shabaab

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

November 3, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, kaasi oo ay Golaha...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

November 3, 2025
0

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa ka hadlay tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta, kaddib...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Al-Atty, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,iyagoo...

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2026

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2026

November 3, 2025
0

Shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa lagu ansixiyay filashada miisaaniyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In