Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhaweeyay xulka 11 sano jirada ee Soomaaliya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo soo dhaweeyay xulka 11 sano jirada ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciyaatowda xulka qaranka 11 sano jirada ee Soomaaliya oo dalka Qatar ugu qeybgalay tartanka kubadda cagta ee dugsiyada wadamada Jaamacadda Carabta oo manata ku soo laabtay dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyin kale.

Wasiiro dowlaha waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya C/laahi Bile Nuur, oo kamid ahaa mas’uuliyiinta garoonka ku soo dhaweeyay ciyaartowda ayaa warbixin ka sii madaxweynaha sida wasaaradda ay u ababushay dhalinyaradan Soomaaliyeed isla markaana guulo ka soo hoyay.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay si aad ah u soo dhaweynayaan talaabada wasaarada waxbarashada ay sameysay, isagoo sheegay in Iskuulka ardaydan wax ka bartaan uu aasaasay sanadkii 1996.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiirigelin intaan ka badan ay u sameyn doono ciyaartowda xulka qaranka isla markaana aad ugu faraxsan yahay wacdarihii ay ka dhigeen tartankii Jeem Cup ee dalka Qatar lagu qabtay.

Intaas kadib ciyaartowda ayaa koo soo gelbiyay xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta, waxaana halkaasi loogu qabtay xaflad soo dhaweyn aheyd.

Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaarada waxbarashadda, waalidiin, qaar kamid ah ardayda wax ka barata dugsiyada hoose ee magaalada Muqdisho iyo dadweyne aad u badan.

Kooxda Iftiin ee wasaaradda waxbarashada ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan lagu dhiirigelinayay xulka 11 sano jirada ee Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo cambaareyay weerarkii ka dhacay Ankara, tacsina u diray Madaxweynaha Turkiga

Next Post

Kenya oo sheegtay in ay dishay horjooge ka tirsan  Al Shabaab

Next Post
Kenya oo sheegtay in ay dishay horjooge ka tirsan  Al Shabaab

Kenya oo sheegtay in ay dishay horjooge ka tirsan  Al Shabaab

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In