Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Cumar oo Qado Sharaf u sameeyey Ciyaartoydii 11-jirada ee ku matalayay Qaranka Soomaaliya Tartankii Jeem Cup “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/Wasaare Cumar oo Qado Sharaf u sameeyey Ciyaartoydii 11-jirada ee ku matalayay Qaranka Soomaaliya Tartankii Jeem Cup “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, February 19, 2016…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta Qado sharaf u sameeyey Ciyaartoydii 11-jirada oo ku matalayay Qaranka Soomaaliya Tartankii Jeem Cup ee lagu qabtay dalka Qadar. Waxana uu Ra’iisul Wasaaruhu boggaadiyey sida ay uga soo dhex muuqdeen ciyaaraha iyo guulihii ay gaareen mudadii ay ciyaaruhu socdeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mahadcelin u jeediyey Maamulka Iskuulkii ay ka socdeen iyo Waalidiinta dhalay, isagoo xusay in loo baahan yahay ciyaartoydan da’da yar in maalgalin lagu sameeyo si kor loogu qaado xirfadooda. Wuxuna intaa raaciyey in dawladda Qatar uu kala hadlay dhismaha Garoon iyo goobo kale oo lagu ciyaaro qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Maanta farxad ayay ii tahay in aan qado u sameeyo dhalinyaradii kor u qaaday magaca Soomaaliyeed, waxaad tihiin geesiyaal guul u soo hooyay Soomaaliya. Waxana idiin haynaa qadarin”ayuu yiri R/Wasaare Cumar oo intaas raaciyey in kulamada soo socda uu rajeynayo guul ka ballaaran tan in ay gaari doonaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ardaydan ay beri noqon doonaan mustaqbalka cayaartooyda Qaranka, ayna dhiiri gelinayaan tallaabooyinka lagu horumarinayo isboortiga dalka.

“Waa fursad fiican oo mustaqbal u noqon karta, jiilkan yar yare e aad arkeysaan, runtii Xukuumaddu way bogaadineysaa tallaabooyinka lagu dhiiri gelinayo da’yarta isboorti, oo aan dhihi karo inay Soomaaliya u tahay mustaqbal fiican”ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey R/Wasaare Cumar.

—–DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed

Previous Post

Wasiirka Tamarta Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Turkiga+Sawirro

Next Post

Tababar Hay’adaha Maamulka Puntland ugu Soo idlaaday Nairobi “Sawirro”

Next Post
Tababar Hay’adaha Maamulka Puntland ugu Soo idlaaday Nairobi “Sawirro”

Tababar Hay’adaha Maamulka Puntland ugu Soo idlaaday Nairobi “Sawirro”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In