Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafka NUSOJ oo la kulmay suxufiyiin

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafka NUSOJ oo la kulmay suxufiyiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddi dhawaan isu xilsaaray in uu soo afjaro khilaaf sababay in ururka Suxufiyiinta Qaranka uu yeesho labo hogaan, ayaa waxa ay maanta Muqdisho kula kulmeen suxufiyiinta ka howlgalla Warbaahinada kala duwan ee ku yaala Muqdisho, kaasi oo ujeedka kulanka ahaa sidii ay guddiga ku ogaan lahaayeen aragtida suxufiyiinta ee ah in la helo hal aragti oo la xiriirta xuquuqda wariyeyaasha.

Ismaaciil Sheekh Qaliifa oo ah guddoomiye ku-xigeenka Guddiga khilaaf bixinta saxaafadda ayaa tilmaamay in ujeedka guddiga loo aas aasay ay tahay xalinta khilaafka hogaanka Ururka NUSOJ.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

January 20, 2026
Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

January 20, 2026

Guddoomiyaha Guddiga khilaaf bixinta saxaafadda Cabdimaalik Yuusuf ayaa sheegay inay raadinayaan habkii lagu heli lahaa midnimo, isla markaana dhinacyada kala aragti duwan ay ka ogolaadeen guddiga xalinta khilaafka hareeyay hogaanka NUSOJ.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo ku hadlayaya magca Wasaardda Warfaafinta ayaa sheegay in mowqifka Wasaaradda uu yahay in ururka NUSOJ uu yahay mid madax banaan, isla markaana ay leeyihiin wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Buuq ay sameyeen qaar ka mid ah suxufiyiintii kulanka ka qeyb gashay ayaa Guddiga waxa ay ku guuleysteen in xaliyaan tabashada qaar kamid ah suxufiyiinta, isla markaana la isku afgartay in guddiga la balaariyo oo ay ku yeeshaan xubno kale, taasi oo si wada jir ah la isku afgartay.

 

 

Previous Post

Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka oo ka qeyb qaatay dhismaha Saldhig boolis “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka oo ka qeyb qaatay dhismaha Saldhig boolis “SAWIRRO”

Taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka oo ka qeyb qaatay dhismaha Saldhig boolis "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

January 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Ururka...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Somalia Welcomes East African Court of Appeal Decision on EALA Representation

January 20, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia welcomes the decision of the East...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

January 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa go’aanka Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika ee 19...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u furay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In