Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada arrimaha dibadda iyo difaaca ee ciidamadooda ka jooga Soomaaliya oo shir yeeshay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ku nool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka ka jooga ciidamadooda Soomaaliya ayaa maanta shir uga furmay dalka Jabuuti, kaasi oo looga hadlayo xoojinta la dagaallanka argagixisada ah.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Wasiira Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha ammaan ee Soomaaliya iyo sidii wadamada uga qeyb qaadan lahaayeen dar dargelinta dagaalada lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026

Wasiirka ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen dad u badan shacab iyo ciidankii naftooda u huray inay cadowga ka difaacan dhagarta Al-Shabaab, waxaana ay ka tacsiyadeen dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Dhanka kale Wasiirada Difaaca ee Wadamada ay ciidamada ka soo joogaan Soomaaliya ayaa shir ku leh dalka Jabuuti, kaasi oo uu shir guddoominayo Wasiirka Gaashaandhigga ee Jabuuti, waxaana uu qeyb ka yahay shirarka looga hadlayo arrimaha ammaanka ee Soomaaliya.

Wasiirka difaaca ee dalka Nigeria ayaa tilmaamay in dhankooda ay Soomaaliya u soo dirayaan ciidamado hor leh oo qeyb ka noqdo howlgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, si dib loo soo celiyo guud ahaan ammaanka Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti

Next Post

Dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay oo lagu dabiibayo isbitaal Madiina

Next Post
Isbitaalka Madiina oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya

Dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay oo lagu dabiibayo isbitaal Madiina

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In