Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir deg deg ah oo laga yeeshay xaaladda amni ee dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Laamaha amniga ee Dowladda marna ma hakin doonaan inay ugaarsadaan argagixisada UGUS ee ka soo horjeeda nabadda shacabka’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan deg degga ah ee ay isku yimadeen xubnaha golaha Wasiirada ee Xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlayey  dar-dar galinta  aminga dalka  iyo  sida  wax looga qaban lahaa werarada naflacaarinimada ah ee Maleeshiyaadka Nabadiidka Al-Shabab  la beegsanayaan goobaha ay isku yimaaden  shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo ka soo laabtay dalka Jabuuti ayaa shir guddomiyey  kulanka  golaha Wasiirada ee caawa, waxaana ka qayb galay taliyeyaasha ciidamada  booliska, Nabd sugida iyo sirddoonka Qaranka  waxana looga dhagaystay  warbixinno la xariirta xaladda amniga dalka  iyo qaraxyada ka dhacay magalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee gobollada Benaadir iyo Bay.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026

Shirka golaha Wasiiradda ee xukumadda Soomaaliya oo qaatay saacado badan ayaa lagu go’aamiyey in   dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal balaaran oo lagula dagaallamayo kooxaha Argagixisada  si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed,  kaasi oo ay horumuud ka noqoyaan Madaxda sare ee  dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Mareeye  oo shirka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka la isku raacay in la qaado howlgallo lagu badbaadinayo shacabka, laguna cirib tirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Wasiika Warfaafinta ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay weerarkii caawa ka dhacay magaalada Baydhabo ee lagu gumaaday dad shacab ah.

Previous Post

AMISOM oo cambaareysay qaraxii Baydhabo oo ay dad shacab ah ku dhinteen

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa...

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(WASHINGTON):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ka warbixiyay shir sanadeedka Gugga(Spring Meetings)oo lagu qabtay magaalada Washington....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In