Thursday, December 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koofur galbeed oo booqday isbitaalka Baydhabo

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ay wehliyaan guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamulka iyo qaar kamid ah golaha wasiirada koonfur galbeed ayaa maanta waxaa uu  booqday Isbitaalka weyne ee magaalada Baydhabo halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaaladaasi.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa waxaa ay mid mid u booqday qolalka la seexiyay dadkii dhaawac ahaa isagoo xaalada dadkaasina ka wareysanayay howlwadeenada caafimaadka ee Isbitaalka.

Related posts

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya oo booqashadiisa ka dib kulan la yeeshay maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in dowladda koofur galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay sameyn doonaan wixii karaankooda ah oo lagu caawinayo dadka dhaawac ah.

Agaasimaha Isbitaal guud ee magaalada Baydhabo C/fitaax Xaanshi, ayaa warfidiyeenka u sheegay in dhaawacyadii la keenay Isbitaalka ay geeriyoodeen 7 kamid ah, kuwaas oo dhaawacoodu ahaa mid aad u daran.

Sidoo kale magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa laga soo duuliyay 18 kamid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay ka dhacay halkaasi kuwaas oo lagu daweyn doono Isbitaalada magaalada Muqdisho maadaama sida dhakhaatiirta Isbitaalka Baydhabo ay sheegeen in  xaaladooda caafimaad aysan wax ka qaban Karin.

Madaxweynaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay in Al-shabab u jeedkoodu yahay leynta shacabka Soomaaliyeed isla markaana loo baahan yahay in la iska kaashado sidii kooxdan loo dabar goyn lahaa.

Previous Post

Guddoomiyaha Hiiraan oo la kulmay odayaal

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii 20-aad ee kalfadhiga 7-aad,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025
0

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.   

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

December 10, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

December 10, 2025
0

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December) ayaa sanadkan si gaar ah diiradda u saaraysa kor u qaadista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In