Monday, June 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koofur galbeed oo booqday isbitaalka Baydhabo

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ay wehliyaan guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamulka iyo qaar kamid ah golaha wasiirada koonfur galbeed ayaa maanta waxaa uu  booqday Isbitaalka weyne ee magaalada Baydhabo halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaaladaasi.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa waxaa ay mid mid u booqday qolalka la seexiyay dadkii dhaawac ahaa isagoo xaalada dadkaasina ka wareysanayay howlwadeenada caafimaadka ee Isbitaalka.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya oo booqashadiisa ka dib kulan la yeeshay maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in dowladda koofur galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay sameyn doonaan wixii karaankooda ah oo lagu caawinayo dadka dhaawac ah.

Agaasimaha Isbitaal guud ee magaalada Baydhabo C/fitaax Xaanshi, ayaa warfidiyeenka u sheegay in dhaawacyadii la keenay Isbitaalka ay geeriyoodeen 7 kamid ah, kuwaas oo dhaawacoodu ahaa mid aad u daran.

Sidoo kale magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa laga soo duuliyay 18 kamid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay ka dhacay halkaasi kuwaas oo lagu daweyn doono Isbitaalada magaalada Muqdisho maadaama sida dhakhaatiirta Isbitaalka Baydhabo ay sheegeen in  xaaladooda caafimaad aysan wax ka qaban Karin.

Madaxweynaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay in Al-shabab u jeedkoodu yahay leynta shacabka Soomaaliyeed isla markaana loo baahan yahay in la iska kaashado sidii kooxdan loo dabar goyn lahaa.

Previous Post

Guddoomiyaha Hiiraan oo la kulmay odayaal

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026
0

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan ee Muqdisho ayaa maanta Howladeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS u sameeyay baaritaan caafimaad oo...

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

June 22, 2026
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In