Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Puntland oo dhaqangelinaya sharci la xiriira marista waddooyinka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Puntland oo dhaqangelinaya sharci la xiriira marista waddooyinka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Maaliyadda ee maamul goboleedka  Puntland iy Laanta Ilaalada Wadooyinka ee Taraafikadda ayaa maanta magaaladda Bosaso uga dhawaaqay inay dhammaan degaannadda Puntland uu 1-da Bisha Maarso si ramsi ah uga dhaqangalayo Sharciga Ganaaxa gaadiidka iyo sharciga Wadamarista.

Buuggan soo saaristiisa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland iyo Laanta ilaalada wadooyinka ee Taraafikada Iiyo Waaxda Cashuuraha beriga W/Maaliyadda.

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

Daahfurka Buuggan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Wasiirka Amniga Puntland, Taliye K/xigeenka Booliska Puntland,Taliyaha Ilaaladda Wadooyinka iyo Agaasimaha Cashuuraha Bariga.

Agaasimaha guud ee Cashuuraha beriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Farxaan ayaa ugu horeyn sheegay in soo saarista Buugan iska kaashadeen saddex wasaaradood oo kala ah amniga,maaliyadda,howlaha guud.

Mudane Cali Farxaan ayaa sheegay oo kale in qorshuhu yahay sidii buuggan degaamadda Puntland 1-da Bisha Maarso si ramsi uu uga dhaqangalayo Sharciga Ganaaxa gaadiidka iyo sharciga Wadamarista.

Taliyaha Taraafikadda ee Ilaaladda Wadooyinka Maxamed Finiin waxaa uu faahfaahin ka bixiyay Sababaha dhaliyay in la soo saaro Sharciga Wadooyinka iyo Buuga cusub ee Ganaaxa Baabuurta.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo ka hadlay munaasabadii daahfurka buuga ayaa sheegay in Ciidamadda ilaaladu wadooyinka ay hoos yimaadaan wasaaradiisu, islamarkaana ay diyaar u yihiin fulinta iyo dhaqangelinta Buuga sharciga ganaaxa Wadooyinka.

Wasiirka Maaliyadda ee maamulka Puntland C/laahi Sheikh Axmed ayaa dhiniciisa xusay in sharciga wadooyinka iyo Buuga Ganaaxu uu yahay qayb muhiim ah oo ka tisan dowladnimadda iyo kala dambaynta.

Buuggan ayaa qeexaya qofka xaqa u leh inuu wado Baabur, Qaabka loo adeegsanayo wadooyinka. Waxaa kaloo sharciga qaybtii ganaaxu uu taabanayaa dirwalada aan haysa laysanka baabuurta,

Sidoo kale baabuurka la dhigo baakino qaldan, baabuurta la buuxdhaafiyo iyo dhamaan baabuurta ku xadgudubta sharciyadda wado marista ee Dowladda Puntland.

Buuggan Sharciyadiisa cusub ee la soo saaray ayaa dhaqangalaya 1-da Bisha Maarso ee sanadkan ,waxaana lagu baraarajuniyaa bulshada iyo gaadiidleyduba iney u hoggaansamaan.

DSC_0319 DSC_0322 DSC_0324 DSC_0328 DSC_0339 DSC_0353 DSC_0366

Previous Post

Isbaheysiga Madaxweyne Xasan Rouxani Oo Guulo ka Gaaray Doorashada Iran

Next Post

Madaxweynaha oo soo gaabiyey booqasho uu ku joogay Djibouti, dibna u dhigay socdaal uu ku tegi lahaa Sweden

Next Post
Madaxweynaha oo soo gaabiyey booqasho uu ku joogay Djibouti, dibna u dhigay socdaal uu ku tegi lahaa Sweden

Madaxweynaha oo soo gaabiyey booqasho uu ku joogay Djibouti, dibna u dhigay socdaal uu ku tegi lahaa Sweden

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In