Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Galmudug oo been abuur ku tilmaamay in ay qayb ka ahaayen dagaaladii Dhuusa-marreeb

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Max’uud aadan Cusmaan Masagawaay oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay maqleen dagaalada ka dhacay xalay ilaa saakay magaalada Dhuusa-marreeb, waxaase uu sheegay in aysan qayb ka ahayn dagaaladaasi.

“ Waan maqleynay eedeynta lakin waxaan leenahay waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, sargaal ciidamo gooni ah wata ayaa naloo sheegay in dagaalka uu qaaday balse anaga waxba kama ogin, mana jirto sabab aan u inkirno haddaan qayb ka nahay, maamulkeenuna diyaar uma ahan in dhuusa-marreeb ay dagaal ku aado, waxaan ku aadeynaa wax ka baddalan” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Max’uud aadan Cusmaan Masagawaay.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” dhuusa-marreeb waa caasimadda maamulka Galmudug, mana ka mid ahan qorshaheyna in aan dagaal ku aadno, waxaan rabnaa wada hadal iyo xal nabadeed in aan ku aadno, marwalbana qorshaheenu waxa uu yahay in aan la hadalno cidkastaa oo wada hadal ogol, marka laga reebo shabaab oo aan ogoleyn wada hadal iyo walaalnimo”

Ugu dambeyn wasiirka Warfaafinta maamul goboleedka Galmudug Max’uud aadan Cusmaan Masagawaay ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamay magaalada dhuusa-marreeb in ay dadka xabadda ka daayaan, oo ay dagaalka wada hadal ku badalaan” waa in aan baranaaa dabeecadda wada hadalka ee aanan gacan ka hadal wax ku raadin, waxaana fariintaas u dirayaa dadka ku dagaalamayaa dhuusa-mareeb” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug.

Hadalka wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa imaanaya xilli xalay ilaa maanta ay dagaalo ka dheceen magaalada dhuusa-marreeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana dagaaladaasi ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac dad weyne, waxeyna mas’uuliyiinta Ehlu sunna ee ku sugan dhuusa-marreeb ay ku eedeyeen dagaaladaasi maamulka Galmudug, iyadoo Galmudugna ay wax kama jiraan ku tilmaantay.

Previous Post

Xaaladda Dhuusa-marreeb oo deggan

Next Post

Wasiirada Arrimaha Gudaha Carabta oo ka wada hadlaya arrimaha amaanka ee dalalkooda, Sawirada

Next Post
Wasiirada Arrimaha Gudaha Carabta oo ka wada hadlaya arrimaha amaanka ee dalalkooda, Sawirada

Wasiirada Arrimaha Gudaha Carabta oo ka wada hadlaya arrimaha amaanka ee dalalkooda, Sawirada

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In