Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Bartoolka oo maamulka gobolka kala hadlay wax ka qabashada nidaam la’aanta ka jirta shidaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay shirkad sharci-yaqaan caalami ah” War Saxaafadeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda ee Soomaaliya Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa kulan casho sharaf u sameeyay maamulka gobolka banaadir, iyo guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka, kaasi oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka iyo maamulka gobolka ee ku aadan dhanka nabadgelyada iyo sidii ay isaga kaashan lahayeen wax ka qabashada nidaam la’aanta ka jirta shidaalka dalka soo gala, qaabka lagu daabulo iyo meelaha lagu iibiyo oo aan sax ahayn mararka qaar, marar badanna lagala kulmay dab ka kaco goobaha oo dhibaato naf iyo maalba halkaasi lagu waayey.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Wasaaradda waxa ay soo bandhigtay qaabka ku haboon booyadaha qaada shidaalka, Haamaha lagu kaydiyo iyo kaalimaha lagu qaybiyo shidaalka. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka hadlay Hindiso Sharciyeedkaas Wasaaraddu u gudbisay Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda, dood dheer iyo fallanqeyn kaddibna Golaha Wasiirada waxay ansixiyeen Hindise Sharciyedkaas, intaas kaddib Xukuumada waxay u gudbisay sharcigaas Golaha Barlamaanka si ay uga doodaan. .

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda ee Soomaaliya Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarisay xafiis loogu tala galay la talinta ee ah cidkasta oo doonaysa inay howlgeliso kaalin shidaal, isla markaana ka qaadato tilmaan buuxda oo tusinaysa meesha ku habboon kaalin, qaabka ugu habboon, agabka looga baahan iyo adeegga looga fadhiyo inay fuliso. Waxaa xusid mudan muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka.


Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Degmada Shibis oo deeq gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta ee Kadare “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Degmada Shibis oo deeq gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta ee Kadare “SAWIRRO”

Maamulka Degmada Shibis oo deeq gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta ee Kadare “SAWIRRO”

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In