Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Bartoolka oo maamulka gobolka kala hadlay wax ka qabashada nidaam la’aanta ka jirta shidaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay shirkad sharci-yaqaan caalami ah” War Saxaafadeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda ee Soomaaliya Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa kulan casho sharaf u sameeyay maamulka gobolka banaadir, iyo guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka, kaasi oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka iyo maamulka gobolka ee ku aadan dhanka nabadgelyada iyo sidii ay isaga kaashan lahayeen wax ka qabashada nidaam la’aanta ka jirta shidaalka dalka soo gala, qaabka lagu daabulo iyo meelaha lagu iibiyo oo aan sax ahayn mararka qaar, marar badanna lagala kulmay dab ka kaco goobaha oo dhibaato naf iyo maalba halkaasi lagu waayey.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026

Wasaaradda waxa ay soo bandhigtay qaabka ku haboon booyadaha qaada shidaalka, Haamaha lagu kaydiyo iyo kaalimaha lagu qaybiyo shidaalka. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka hadlay Hindiso Sharciyeedkaas Wasaaraddu u gudbisay Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda, dood dheer iyo fallanqeyn kaddibna Golaha Wasiirada waxay ansixiyeen Hindise Sharciyedkaas, intaas kaddib Xukuumada waxay u gudbisay sharcigaas Golaha Barlamaanka si ay uga doodaan. .

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda ee Soomaaliya Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarisay xafiis loogu tala galay la talinta ee ah cidkasta oo doonaysa inay howlgeliso kaalin shidaal, isla markaana ka qaadato tilmaan buuxda oo tusinaysa meesha ku habboon kaalin, qaabka ugu habboon, agabka looga baahan iyo adeegga looga fadhiyo inay fuliso. Waxaa xusid mudan muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Degmada Shibis oo deeq gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta ee Kadare “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Degmada Shibis oo deeq gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta ee Kadare “SAWIRRO”

Maamulka Degmada Shibis oo deeq gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta ee Kadare “SAWIRRO”

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In