Guddoomiyaha Degmada Shibis ee gobolka Banaadir Axmed Muunin Maxamed ayaa maanta agab isugu jira kubado, dhar iyo daahyo gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta darbi jiifka ah ee degmada C/casiis, halkaasi oo ay ku jiraan carruur kolkii hore darbo jiif ahaa oo Marwada Madaxweynaha dalka ka soo uruurrisay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo waxbarasho iyo hooy u ah xarunta.
Guddoomiyaha ayaa markii uu deeqda gaarsiiyay xarunta, waxaa uu soo kormeeray fasalada iyo goobaha ay seexdaan, isagoo intaa ku daray in deeqdan aysan noqon doonin tii ugu dambeysa ee uu gaarsiiyo xarunta.
“Aad baan ugu faraxsanahay fikirka lagu dhisay xarunta, mas’uuliyad ayaa naga saaran daryeelka carruurtan, marka waa mustaqbalka beri carruurta, waxa ayna ku xirantahay inay noqdaan dad bulshadooda wax tara, sida aan u xanaaneyno, marwaliba way naga go’antahay in aan garab istaagno, waxaana mas’uuliyiinta iyo qeybaha bulshada ugu baaqaynaa inay carruurtan soo kormeeraan oo ay arkaan xaaladda ay ku suganyihiin, bulshaduna ay is garab qabato” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Shibis.
Madiina Cali Tooxow oo wakiil ka ahayd Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, isla markaana deeqda ka guddoontay guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed ayaa uga mahadcelisay, waxaana ay ku wareejisay maamulaha xarunta.
“Waxaan joognaa xaruntii ay maamo Sahro Cumar Xasan Marwada Madaxweynaha u sameysay carruur darbo jiif ah oo ay ka soo uruurrisay magaalada Muqdisho, runtii waan uga mahadcelineynaa deeqda uu guddoomiyaha keenay, waxaana agabkaan ku wareejin doonaa maamulaha xerada mubaarak” ayay tiri Madiina Cali Tooxow.