Guddi ka kooban maamulka deegaanka iyo bulshada rayidka ah oo gacanta ku haya dhismaha qaybta hooyada iyo dhallaanka oo lagu kordhinayo Isbitalka Galinsoor ayaa ka codsaday bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibadba inay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan.
Qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka oo ay soo mareen dhibaatooyin caafimaad ayaa wali sheegaya inay baahi wayn u qbaan qaybtan hooyada iyo dhalaanka oo ah kuwa bulshada ugu nugul.
Warsame Jaamac Ciise oo madax u ah gudiga wada dhismaha ayaa sheegay in lacago hordhac ah oo ay ka heleen jaaliyadda Sweden iyo bulshada deegaanka ay ku bilaabeen dhismaha, haatana taageero kale ay u baahanyihiin.
Agaasimaha Isbitalka Galinsoor Maxamed Nuur Axmed ayaa sheegay in baahi wayn loo qabo dhamaystirka qaybtan, isagoo xusay in celcelis ahaan bishii 70-Haween ay ku dhalaan Isbitalka, kuwaas oo dayac badani soo wajaho.
Inkastoo dayacaas iyo qalab la’aan uu ku shaqeeyo Isbitalka Galinsoor hadana waxa uu sabab u noqday badbaadinta Haween badan oo xilliga dhalmada la keeno sida ay sheegayso Xamdi Xoosh Cali oo shaqaalaha ka mid ah.
Ugu dambayn Gudoomiyaha deegaanka Galinsoor Cali-siciid Axmed Cabdile “indhakorey” ayaa ka codaysay jaaliyadaha, hay’adaha iyo bulshada gudahaba inay ka caawiyaan dhamaystirka qaybta Hooyada iyo dhallaanka ee Isbitalka.