Kulan looga hadlayay biyo la’aanta ka jirta deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.
Kulankan oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka hiiraa aya waxaa ka qeybgalay maamulka gobolka Hiiraan kan dagmada Beledweyn iyo xubno ka socday hay’adaha samafalka ee ka howgala gobolka ayaa looga hadlay sidii hay’adaha ay bulshada uga caawin lahaayeen heliska biyo nadiif ah.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa ka codsaday hay’adaha uu kulanka la qaatay in ay bulshada ka caawiyaan sidii biyo nadiif ah ay u helilahaayeen, isagoo xusay in biyo la’aan daran ay ka jirto gobolka.
Mas’uuliyinta maamulka dagmada Beledweyne ayaa dhinacooda uga digay shacabka ku nool Beleldweyn in ay qashainka iyo wax yabaha kale ee keeni karo cudurada ay ku shubaan wabiga.
Wabiga Shabeelle ee mara deeganno ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa biyo yaraan ku timid taasina waxey keentay in biyo la’aan laga dareemo deegaannada ku teedsan webiga Shabeelle.