Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku-xgeenka Puntland oo ugu baaqay hay’adaha in ay ka qayb qaataan gurmadka Abaaraha+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku-xgeenka Puntland oo ugu baaqay hay’adaha in ay ka qayb qaataan gurmadka Abaaraha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ahna  guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Puntland oo ay wehelinayaan xubnaha guddiga gurmadka  abaaraha ayaa maanta March 10, 2016 waxa uu xarunta Madaxtooyada Dawlad goboleedka Puntland ee Garoowe kulan kula qaaday dhammaan hay’adaha ka hawl-gala Puntland.

Kulankan ayaa waxa uu daba socdey mid isaga la mid ah oo qabsoomay Feb 16,2016-ka laguna qabtay qasriga Madaxtooyada maamulka Puntland ee Garoowe isla markaana lagu qorshaynayey qaababka kala duwan ee ay hay’aduhu uga qayb qaadan karaan gurmadka abaaraha ee afeeyey dadka iyo duunyada ku dhaqan qaybo kamid ah goballada Puntland.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyey sidii loo sii dar-dar gelin lahaa gurmadka iyadoo diiradda la saari doono gobollada ay sida gaarka ah u saameeyeen abaaruhu kuwaasoo kala ah Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan, Sool iyo Nugaal oo dhammaantood ah dhulkii ay ku yarayeen roobabkii guga iyo dayrta ee ugu dambeeyey.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa hay’adaha ka hawl-gala Puntland ugu baaqay in ay xoojiyaan caawimaadda dadka iyo duunyada ay abaaruhu wax-yeeleeyeen.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Dawladda Puntland ay gurmadka  shacabkeeda abaaruhu saameeyeen ay doorkeeda ka qaadatay isla markaana waxaa u sheegay in loo baahan yahay dhammaan dadweynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan in ay u istaagaan siday u badbaadin lahaayeen dadka iyo duunyada la daalaa dhacaya abaaraha.

Ugu dambayntii Egn.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey kusimaha Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryey dadka iyo duunyadaba in uu raxmaadkiisa khayrka qaba uu siiyo kana saaro abaaraha jira.

IMG_2221 IMG_2224 IMG_2230

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In