Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dadkii ka dambeeyey weerarradii Baydhabo oo la xukumay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dadkii ka dambeeyey weerarradii Baydhabo oo la xukumay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukunno ku riday eedeysanayaal maxkamada horey loo horkeenay, kuwaas oo lala xiriiriyey weeraradii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Eedeysanayaasha la xukumay oo gaarayey ilaa iyo todobo ruux ayaa maxkamadu waxaa shan kamid ah ay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaadeen dambiyadii loo heystay oo ahaa in ay ku lug lahaayeen weeraradii ka dhacay bishii hore magaalada Baydhabo, halkaas oo dad shacab ah dhibaato ay kasoo gaartay.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

February 24, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka

February 24, 2026

Labada ruux ee kale ayey maxkamadu midkood fasaxday, halka ruuxa kalena lagu xukumay sadex sano oo xabsi ah, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada darajada koowad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute.

Gudoomiye Xasan Cali Nuur Shuute oo ay wehliyaan xubno kale oo katirsan maxkamada ayaa u sheegay wakaalada wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, in Baydhabo ay u joogaan sidii sharciga ay u marsiin lahaayeen dambiilayaasha lala xiriiriyey dhibaateynta shacabka.

Dadka hada la xukumay ayaa lagu eedeeyey in ay qeyb ka ahaayeen abaabulka weeraradii shacabka lagu laayey ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sidaas waxa aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Heliwaa oo amar ku bixiyay in la jaro dhirta degmadaasi

Next Post
Maamulka Heliwaa oo amar ku bixiyay in la jaro dhirta degmadaasi

Maamulka Heliwaa oo amar ku bixiyay in la jaro dhirta degmadaasi

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

February 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka

February 24, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka, kana turjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la ilaalineysa...

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

February 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC) ku soo...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

February 24, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada degmada Raage Ceelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In