Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dadkii ka dambeeyey weerarradii Baydhabo oo la xukumay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 12, 2016
in Wararka
0
Dadkii ka dambeeyey weerarradii Baydhabo oo la xukumay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukunno ku riday eedeysanayaal maxkamada horey loo horkeenay, kuwaas oo lala xiriiriyey weeraradii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Eedeysanayaasha la xukumay oo gaarayey ilaa iyo todobo ruux ayaa maxkamadu waxaa shan kamid ah ay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaadeen dambiyadii loo heystay oo ahaa in ay ku lug lahaayeen weeraradii ka dhacay bishii hore magaalada Baydhabo, halkaas oo dad shacab ah dhibaato ay kasoo gaartay.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Labada ruux ee kale ayey maxkamadu midkood fasaxday, halka ruuxa kalena lagu xukumay sadex sano oo xabsi ah, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada darajada koowad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute.

Gudoomiye Xasan Cali Nuur Shuute oo ay wehliyaan xubno kale oo katirsan maxkamada ayaa u sheegay wakaalada wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, in Baydhabo ay u joogaan sidii sharciga ay u marsiin lahaayeen dambiilayaasha lala xiriiriyey dhibaateynta shacabka.

Dadka hada la xukumay ayaa lagu eedeeyey in ay qeyb ka ahaayeen abaabulka weeraradii shacabka lagu laayey ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sidaas waxa aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Heliwaa oo amar ku bixiyay in la jaro dhirta degmadaasi

Next Post
Maamulka Heliwaa oo amar ku bixiyay in la jaro dhirta degmadaasi

Maamulka Heliwaa oo amar ku bixiyay in la jaro dhirta degmadaasi

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In