Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay tuulooyin hoostaga degmada Jalalaqsi “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Maamulka degmada Jalalaqsi oo ku baaqay in laga caawiyo adeegyada caafimaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Jalalaqsi Abuukar Maxamed Cali ayaa sheegay in degmada iyo deegaannada kale ee ku xeeran uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, taasi oo ka dhalatay biyaha Webiga Shabeelle oo wasaqeysan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Jalalaqsi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in degmada aysan lahayn adeegyo caafimaad, isagoo intaa ku daray inay jiraan tiro dad ah oo u badan carruur uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, ayna maamul ahaan gurmad u fidiyeen dadka ku sugan magaalada.

Related posts

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026

“Cudurka shuban biyoodka ayaa ka dilaacay degmada iyo deegaanada kale ee ku xeeran, ma lahan ceelal fara badan, Webiga oo wasaqoobay ayaa sababtay in cudurka uu soo rito tiro dad ah, Tuulada Inji dad ayaa u dhintay cudurka, waxaana codsaneynaa in kaalmo caafimaad oo deg deg ah lala soo gaaro”ayuu yiri Abuukar Maxamed Cali.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Jalalaqsi Abuukar Maxamed Cali ayaa tilmaamay in xaaladda amniga ee degmada ay tahay mid la isku heleyn karo, isagoo shacabka ka codsaday inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Guddoomiye ku-xigeenka Jalalaqsi

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/03/Guddoomiye-ku-xigeenka-Arrimaha-bulshada-ee-Jalalaqsi-Abukar-Maxamed-Cali-15.03.2016.mp3
Previous Post

Magaalooyinka uu maro Webiga Shabeelle oo biyo la’aan baahsan ay ka jirto

Next Post

Shir ku saabsan hanaanka loo marayo dhisidda dowladaha hoose oo ka furmay Muqdisho

Next Post

Shir ku saabsan hanaanka loo marayo dhisidda dowladaha hoose oo ka furmay Muqdisho

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
0

Xubno ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta olole ballaaran oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka...

Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Rabat ee Dalka Marocco kaga qayb galay...

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In