Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir ku saabsan hanaanka loo marayo dhisidda dowladaha hoose oo ka furmay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan wada tashiga ah ee looga hadlayay hanaanka loo marayo dhisidda dowladaha Hoose iyo la xisaabtanka hay’adaha heer maamul oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa waxaa ka qeyb galay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha,Wasiirro, Xildhibaanno, xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo Maamulada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ka furmay Muqdisho.

Shirka oo socon doono muddo shan cisho ah ayaa waxaa lagu fala qeyn doonaa hanaanka Qaran ee loo marayo dhisidda dowladaha Hoose iyo sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladnimo.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Somaaliya Prof Yaxye Cali Ibraahim oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in muddada uu socda shirka diiradda lagu saari doono qodobo aas aasi u ah nidaamka dowladaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ergada ka qeyb galaysa shirka ku soo dhaweeyay caasimadda, isagoo xusay in marka uu dhamaado shirkan uu kulan soo dhaweyn ah u sameyn doono.

Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka qeyb galayaasha kula dar daarmay in muddada uu socdo shirka ay tallooyin ku darsadaan qabyo qoraalka ku saabsan dhisidda dowladaha Hoose ee halku-dhigiisu yahay “Wadajir”.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Jaamacad Ilka-jiir oo furey shirka ayaa sheegay in dowladnimadu ay lafdhabar u tahay in la helo dowlado hoose oo awood leh, isla markaana daboola baahiyaha ay bulshada qabaan.

 

Previous Post

Cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay tuulooyin hoostaga degmada Jalalaqsi “Dhageyso”

Next Post

Madax howlgalka AMISOM oo ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Next Post
Madaxweynaha iyo wakiilka midowga Afrika oo ka wadahadley fulinta baaqii Djibouti-Sawirro

Madax howlgalka AMISOM oo ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In