Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madax howlgalka AMISOM oo ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha iyo wakiilka midowga Afrika oo ka wadahadley fulinta baaqii Djibouti-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madax howlgalka AMISOM Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta AMSIOM ee Xalane ayaa ugu horeyn ka hadlay howlgalkii lagu qabtay deegaano hoostaga Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo laga eryay maleeshiyada Al-Shabaab.

“Anaga iyo ciidanka Qaranka Soomaaliya waxaan gaarnay guulo la taaban karo howlgalkii aan ka sameynay magaalooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dib u sii riixnay maleeshiyaadka Al-Shabaaab, waana sii wadaynaa ilaa ay ka dhameestirno dhamaan goobaha ay haraadiga ku yihiin, waxaan magaalooyinkaas ka mid ah Ceel-baraf, Biyao-cadde iyo kuwa kale”ayuu yiri Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Hirgelinta qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ay ku yeesheen Madaxda ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ayuu ku sheegay inay muhiim u tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Hadii loo hirgaliyo sida loo qorsheeyay go’aankii ay sameeyeen madaxda wadamada Ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya waxa ay faa’iida u tahay si gaar ah Soomaaliya  in horumar la taaban gaaro la gaaro Dagaalka lagu jiro Argagixisada kaasoo sameynaya Wadank” ayuu hadalkiisa ku daray Madeira.

Madaxa Howlgalka AMISOM ayaa bogaadiyay tallaabooyinka loo qaaday doorashooyinka  iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa AMISOM iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in amniga uu yahay ahmiyadda koowaad ee dalka.

Ugu dambeyn Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madax howlgalka AMISOM Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa ku tilmaamay Kooxda Al-Shabaab mid aan dooneyn Nabadda iyo nolol, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto

Previous Post

Shir ku saabsan hanaanka loo marayo dhisidda dowladaha hoose oo ka furmay Muqdisho

Next Post

Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Tamarta oo maanta xilka loo dhaariyay

Next Post
Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Tamarta oo maanta xilka loo dhaariyay

Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Tamarta oo maanta xilka loo dhaariyay

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In