Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga badbaadinta ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Nusoj ayaa waxa ay sheegeen in la dhameeyey khilaafkii sababay in ururku uu yeesho labo hogaan.
Afhayeenka gudigani Cabdulqaadir Maxamed Faarax Dulyar oo kulankaasi kadib shir jaraa’id u qabtay saxaafadda ayaa sheegay in gudigani uu dadaal badan u soo galay dhameynta Qilaaf mudo soo jiray islamarkaana hada uu u gudbayo qaban qaabada qeybinta iyo casuumaada ergada soo dooran doonta hogaanka cusub ee ururka suxufiyiin Qaranka Soomaaliyeed.
“Guddiga waxa uu todobaadka dembe uu isku diyaarinayaa qaban qaabada qaabka ugu sahlan ee loo abaabuli karo doorasho uu ku soo baxo hogaanka cusub ee ururka nusoj kaas oo ay soo dooran doonaan dhammaan wariyeyaasho oo dhan” Ayuu Yiri Wariye Dulyar.
Gudigani ayaa sidoo kale ugu baaqay dowlada Federaalka iyo hey’adaha taageera saxaafadda in aysan wax macaamil ah la yeelan dhanacyadii horey isugu qabsaday hogaaminta ururkani.
Sawir Qaade: Maxamed C/llaahi Feereysane