Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Shiinaha oo ka wada hadlay Abaaraha ka jira Gobollada dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Shiinaha oo ka wada hadlay Abaaraha ka jira Gobollada dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, March 20, 2016…Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-Jir”, ayaa la kulmay Safiirka dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian (Warsame Geeljire). Waxana ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dalka iyo sidii dawladda Shiinaha ay gacan uga geysan lahayd wax-qabashada Abaaraha ka jira qeybo kamid ah Gobollada dalka.

Ku-simaha R/Wasaaraha ayaa dawladda Shiinaha kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahayd Abaaraha ka jira gobollada dalka, gaar ahaan deegaanada Puntland, Soomaaliland, iyo Galmudug oo waqtigan ay si daran u saameeyeen abaaruhu.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026

“Xukuumaddu waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaarsiinayo dadka dhibaataysan, waxana ay beesha caalamka, Ganacsatada iyo Qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay naga gacan siiyaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa. waxana kala hadalnay Safiirka Shiinaha in ay gacan naga siiyaan shacabka dhibaateysan sidii loo caawin lahaa”ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ayaa balan-qaaday in dawladdiisu ay gacan ka geysan doonto sidii taageero loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, wuxuna xusay in door muuqda ay ka geysanayaan gacan siinta bulshada ay abaaruhu ku dhufteen.

1 2 3

 

Previous Post

Waa sidee xaaladda waxbarasho ee xarunta xannaanada gabdhaha agoonta Boodheere “Dhageyso”

Next Post

Ciidamada amniga ee gobolka Bakool oo gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa oo dhulka lagu aasay

Next Post
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde

Ciidamada amniga ee gobolka Bakool oo gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa oo dhulka lagu aasay

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In