Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in weerarkii sabtidii shalay lagu qaaday Istanbul uu fuliyay qof xiriir la leh Kooxda Daacish.
Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay dad lala xiriirinayo qaraxaasi ka dhacay goob mashquul badan oo laga dukaamaysto oo ku taalla magaalada Istanbul.
Qaraxii shalay ka dhacay Istambuul ayaa waxaa ku dhintay afar qofood oo uu ku jira ninki weerarka soo qaaday.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah laba qofood oo Israa’iil u dhashay, heysatana baasaboor Mareykan ah iyo qof Iiraan u dhashay.
Dowladda Turkiga ayaa adkeysay ammaanka dalkeeda waxaana socda baaritaano dheeraad ah iyadoo heegan la geliyay ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan weerarro kale oo ka dhaca dalkaasi.