Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo sheegay in la baari doono sababta isku soo beegtay dabka isbitaalada Madiina iyo Banaadir

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo sheegay in la baari doono sababta isku soo beegtay dabka isbitaalada Madiina iyo Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isbitaalada Banaadir iyo Madiino ayuu kormeeray gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, kuwaas oo habeenimadii xalay dab xoogan ka kacay,waxaana uu dabkaasi sababay inay basbeylaan qeybta ugu weyn ee saalada qaliinta  ee isbitaal Madiina halka qeybta keydinta daawooyinka Carruurta ee isbitaal Banaadir ay iyaduna dab qabsaday.

Sida ay ku warameen maamulada Isbitaalada Madiina iyo  Banaadir waxay sheegeen in uu dabkan oo markiisi hore ka dhashay karonto, hasa haate waaxda gurmadka deg dega ah dabdamiska ee dowlada hoose ee Xamar iyo shirkada Hormuud ay ku guulesten iney damiyaan dabkaasi,iyagoo ka hortagay inuu ku faafa qeybaha kale ee isbitaaladaasi.

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Duqa magaalada Muqdisho ayaa indha indheen ku sameeyay inta uu la eg yahay khasaaraha uu geystay dabka, waxaana kormeerka kadib warbaahinta la hadlay agaasimaha isbitaal Banaadir C/risaaq Xasan Cali isla markaana la hadlay dhinaatada dabkaasi.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa dhankiisa ugu baaqay hey’adaha caafimadka ka shaqeeya iyo dadka dhaqaalaha heysta iney garab istaagaan isbitaalada Madiina iyo Banaadir ee uu dabka qabsaday maadamada ay yihiin xaruma caafimad oo dadka Soomaaliyed loogu adeego.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la baari doona sababta labada isbitaal isku soo beegtay in uu dab qabsado isku waqti.

Dadka ku nool magaalada muqdisho ayaa is weydiinaya sababta keentay inay hal habeen ay wada gubtaan xarumahaasi caafimaad oo kamid ah kuwooda ugu mashquulka badan, hase yeeshee ilaa iyo hada si dhab ah looma oga wax sabababay dabkaan ka kacay labada isbitaal.

Previous Post

Daawo sawirada booqashada Obama ee dalka Cuba

Next Post

Wasaaradda caafimaadka oo ku baaqday in la caawiyo isbitaalada Madiina iyo Banaadir

Next Post
Isbitaalka Madiina oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya

Wasaaradda caafimaadka oo ku baaqday in la caawiyo isbitaalada Madiina iyo Banaadir

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In