Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisulwasaare Cumar oo kala hadlay odayaasha dhaqanka Hiiraan ka qeyb galka shirka Jowhar-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisulwasaare Cumar oo kala hadlay odayaasha dhaqanka Hiiraan ka qeyb galka shirka Jowhar-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalin ah ku tagey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa kulamo kala duwan oo xog-wareysi ah la yeeshay qeybaha bulshada iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan, waxana ay ka wada hadleen sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa dhismaha Maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Ra’iisul Wasaare Sharmaarke ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu yahay sidii tallada dhismaha maamulka labada gobol dib loogu soo celin lahaa gacanta bulshada ku dhaqan labada gobol, isagoo ka codsaday qeybaha bulshada iyo weliba odayaasha inay gacan buuxda ka geystaan sidii loo dar-dar gelin lahaa dhismaha maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Related posts

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

February 9, 2026
Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

February 9, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay kulamadii ay la qaateen odayaasha dhaqanka labada dhinac in la isku afgartay, islamarkaana uu rajeynayo in dhammaan beelaha ka maqnaa shirka ay sida ugu deg-degsan ugu laabtaan Jowhar, lana sii amba qaado shirka. Wuxuna xusay in Xukuumadda Soomaaliya gacan buuxda ay ka geysan doonto sidii dadka degan labadaas gobol u heli lahaayeen maamul ay iyagu ku qanacsan yihiin.

“ Waxaan rabaaa in aan aad iyo aad ugu mahad-celiyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan oo muujiyey biseyl iyo in ay ka go’an tahay dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, wixii tabasho ah Xukuumaddu waxay u tahay diyaar xalintooda, idinkana waxaa la idinka doonayaa tabashadiina in aad ku xalisaan wada-hadal”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

00 1 2 3 4 6 22 88 200 212 400 900 21222 unnamed

Previous Post

QM oo ku bixinaysa $11 milyan abaarta ka jirta Soomaaliya.

Next Post

Waddada Via Roma oo olole nadaafadeed laga sameeyay

Next Post
Waddada Via Roma oo olole nadaafadeed laga sameeyay

Waddada Via Roma oo olole nadaafadeed laga sameeyay

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

February 9, 2026
0

Yuusuf Kaba Kutukade oo ah Ninka kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ugu magacaaban Gobalka Sh/ Dhaxe oo ka hadalayay Duqentii...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

February 9, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

February 9, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaashi ciidan la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

February 8, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In