Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan amniga looga hadlayay oo Gaalkacyo lagu qabtay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo deegaanada dhaca dhinaca waqooyi bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug oo isku dhinaca ah iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa maanta magaalada Gaalkacyo waxaa lagu qabtay kulan amiga looga hadlayay.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, xubo ka tirsan wasiirada maamulkiisa, xildhibaano ka tirsan Galmudug,masโ€™uuliyiinta maamulka gobolka iyo qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026

Guddoomiyaha gobolka Mudug,C/rashiid Xaanshi Cartan, waxaa uu kulanka ka sheegay diyaar u yihiin in ay ka hortaggaan kooxda Al-shabaab isla markaana qeyb ka qaadan doonaan gulufka ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed, ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay ka goโ€™an tahay dagaalka ka lagula jiro Alshabaab, isagoo shacabka ka codsaday in ay qeyb ka qaataan dagaalka Al-shabaab isla markaana lagama maarmaan ay tahay in shacabka ay la shaqeeyaan ciidanka amniga si looga adkaado kooxda qaswadiyaasha ah ee Al-shaab.

Dhinaca ย kale wararka ka imaanaya deegaanka Af-barwaaqo oo ka tirsan gobolka Mudug isla markaana qiyaastii 260 KM u jira magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaal maanta uu ka qarxay kaas oo u dhaxeeya ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug oo isku dhinaca ah ย iyo Al-shabaab.

Deegaanada dagaalka uu ka socodo ayaa lagu soo waramayaa in ay isgaarsiinta hawada ka maqan tahay isla markaana aan la ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalka.

Saraakiisha ciidanka Galmudug ayaa sheegay in maleeshiyaadka ciidanka Galmudug kula dagaalamaya deegaanadan ay kamid ahaayeen kuwii ka soo cararay deegaanada Puntland oo dhowaan duulaan ay ku qaateen kooxda Al-shabaab, hase yeeshee ciidanka Puntland ay ka soo saareen deegaanadii kolkii hore ay weerareen.

Previous Post

Waddada Via Roma oo olole nadaafadeed laga sameeyay

Next Post

Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah-Sawirro

Next Post
Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah-Sawirro

Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah-Sawirro

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

February 10, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir...

๐Œ๐ข๐ง๐ข๐ฌ๐ญ๐ž๐ซ ๐€๐›๐๐ข๐ฌ๐š๐ฅ๐š๐ฆ ๐€๐›๐๐ข ๐€๐ฅ๐ข ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฏ๐ž๐ฌ ๐ข๐ง ๐€๐๐๐ข๐ฌ ๐€๐›๐š๐›๐š ๐Ÿ๐จ๐ซ ๐ญ๐ก๐ž ๐Ÿ‘๐Ÿ—๐ญ๐ก ๐€๐” ๐’๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐ข๐ญ

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali has arrived in Addis Ababa to participate in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In