Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada Galmudug ayaa maanta kormeeray qaar ka mida dugsiyada hoose dhaxe iyo sare ee ku yaala magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Kormeerka Madaxweynaha Galmudug uu maanta ku tegay dugsiyada waxbarashada ee magaalada Gaalkacyo ayaa ujeedadiisa lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda waxbarasho ee dugsiyadaasi. isagoo warbixin ka dhageeystay mas\uuliyiinta waxbarashada Gaalmudug iyo maamulayaasha dugsiyadaasi.
Madaxweynaha Galmudug iyo mas’uliyiintii la socatay ayaa kormeerkooda ka billaabay xarunta dugsiga H/dhaxe iyo Sare ee C/laahi Ciise Maxamuud, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen boqalaal arday ah oo wax ka barta dugsigaasi kadibna madaxweyne Guuleed ayaa warbixino ku aaddan xaaladda waxbarashada dugsigaasi ka dhageeystay qaar ka mida Maamulka iyo macalimiinta wax ka dhiga dugsigaasi, kuwaasi oo ka dhawaajiayay in haatan ay jirto horumaro dhanka waxbarashadaa ah marka loo eego sanadihii lasoo dhaafay halka ay mareeysay waxbarashada Magaalada Galkacyo.
Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa isna ku bogaadiyay ardayda iyo macalimiinta horumarka waxbarsho isagoo kula dar daarmay in ay sii laba laabaan dadaalkooda waxbarsho.
“Ujeedka kormeerkeenu waxa uu ahaa in aan wax ka ogaano xaaladina waxbarasho nasiib wanaag maanta waxaan dareemayaa inuu jiro horumarka dhanka waxbarashdaa sidaa darteed waxaa la idinka rabaa inaad sii laba jibaartaan dadaalka waxbarsho waa midda aad ku gaari kartaan horumar haddii aysan waxbarsho jirin lama gaarayo horumar” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed.
Kormeerkaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Guuleed uu ku tago qaar ka mida xarumaha waxbarashada ee ku yaala Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, waxaana kormeerka Madaxweyne C/kariin uu kusoo beegmayaa xilli horumar dhanka waxbarashada ah laga dareemayo guud ahaan deegaannada Galmudug.
Sawirqaade C/risaaq Maxamed Axmed. Gaalkacyo