Shirkan oo ka soconayay degmada Afgooye muddo labo maalin ah ayaa maanta la soo gaba gabeeyay, waxaana goob joog ka ahaa mas’uulyinta golayaasha dowladda Koonfurgalbeed, odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka Shabellada Hoose.
Ugu horeyn Guddoomiyaha gobolka Shabellada Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax oo ka hadlay Shirka ayaa mas’uuliyiinta maamulka Koonfurgalbeed ku soo dhaweyay degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose, waxa uuna sheegay in bulshada gobolka ay u baahanyihin Nabad, waxa uuna ugu baaqay bulshada in ay ka shaqeyaan nabadda.
Nabadoon Jabriil Cusmaan iyo Nabadoon Gaabow Buule Xasan ayaa shegay in ay soo dhawenyaan shirka nabadeynta ee lagu soo gabo gabeeyay Afgooye, uguna baaqay shacabka in ay qaatan nabadda
Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisinta ee Maamulka Koonfurgalbeed Cabdukhadir Nuur Caraale oo ka hadlay shirka ayaas bulshada kula dar daarmay in ay xoojiyaan nabadda.
Waiirka beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in cadawga Ummadda Soomaaliyed ay yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab shacbkana ay meel uga soo wada jeestaan gobolka Shabellada Hoose iyo