Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in la sii wadi doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in la sii wadi doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug C.kariim Xuseen Guuleed oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulkiisa ayaa maalin kahor booqasho ku tegay deegaanada dhaca bariga gobalka Mudug, halkaas oo ay dagaal kula galeen ciidamada Galmudug maleeshiyada hubeeysan oo ka tirsan Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab.

110 Maxaabiis ah oo ajaanib ay ku jiraan ayey Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen, waxaana maamulka Galmudug uu sheegay in dagaalkaasi la soo af-jaray, hase ahaatee uu socdo baadi goobka firxadka horjoogayaashii watay maleeshiyaadkan.

Related posts

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

July 14, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa tilmaamay in dagaalkii ka socday bariga Galmudug ay soo afjaraan, waxaana uu intaa ku daray inay jiraan kuwa firxad ah oo la baadi goobayo.

“Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada amniga ee Galmudug, ee ku guuleystay inay soo afjaraan howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, ee ku dhuumaaleysanayay bariga Mudug, runtii howlgalada waa ay sii soconayaan” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed oo hadalkiisa ku daray in dagaalka Al-Shabaab looga dilay 115 qof.

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wafdiga la socday ayaa maanta dib ugu laabta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

SONA (1) SONA (20) SONA (21) SONA (22) SONA (23) SONA (24) SONA (25) SONA (26) SONA (27) SONA (28) SONA (31) SONA (32) SONA (33) SONA (34) SONA (35) SONA (36) SONA (37) SONA (38) SONA (39)

Sawir Qaade:- C/risaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Previous Post

Bulshada gobolka Shabeelaha Hoose oo loogu baaqay xoojinta nabadgelyada gobolka

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Mudane Cali...

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tegay Safaaradda...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulammo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In