Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha booliska oo kormeerey imtixaan ka socday Janaraal Kaahiye

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya sareeyo gaas  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa kormeerey xarunta akadeemiyadda tababarada ciidanka booliiska ee Janaraal Kaahiye halkaas oo uu ka socoday imtixaan laga qaadayo arday soo codsatay in ay kamid noqodaan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Saraayo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, taliyaha ciidanka booliiska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qorshahan ardayda ka soo baxday dugsiyada iyo jaamacadaha dalka loogu biirinayo booliiska ay tahay mid taliska uu ku doonayo in uu ku tayeeyo aqoonta ciidanka isla markaana dhalinyarada fursad loogu siinayo in ay ka qeyb qaataan u adeegidda qaranka.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in taliska uu baafiyay arintan bilowgii sanadkan si ardayda doonaysa in ay kamid noqodaan ciidanka booliiska Soomaaliya ay fursad ugu helaan, isagoo tilmaamay in u jeedada ay tahay in la helo dhalinyaro aqoon u leh sharciyada booliiska dalka maadaama saraakiishii hore da’ ahaan weynaadeen.

“Runtii arintaan ogeysiiskeeda waxaa la bilaabay 25 kii January ilaa Febraayo ayay socotay marka dambe waxaan ogaanay in  waqti badan loo baahan yahay ilaa Maarso dhexdeeda ayaa wadnay, dhalinyaro badan oo gaaraya 200-300 ayaa keensatay arjigooda iyo shahaadooyinkooda waa la kala xuley shahaadooyinkii qaar badan waxaa ay noqdeen kuwo aan sax aheyd wasaaradda inta ay xaqiijisay waxaa ay noqdeen ku dhowaad 200,” ayuu yiri taliyaha.

Sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, taliyaha booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in imtixaanka laga qaadayo ardayda uu yahay mid lagu xaqiijinayo aqoontooda isla markaana maadooyinka Chemistry, Biology,  Farta Soomaaliga, English iyo Carabiga laga qaadayo ayna tahay arin nidaami ah oo shakhsiga lagu hubinayo aqoontiisa.

Sanadkii hore bishii Luulyo ayaa sidan oo kale taliska uu qaatay arday ka soo baxday dugsiyada iyo jaamacadaha dalka kuwaas oo hadda tababar ugu kala jira dalka iyo dibadiisa.

 

Previous Post

R.W Cumar “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee la dhibaateeyay iyaga oo shacabkeena gargaaraya”

Next Post

Wasiiro koofur galbeed ka socda oo Waajid gaaray

Next Post
Wasiiro koofur galbeed ka socda oo Waajid gaaray

Wasiiro koofur galbeed ka socda oo Waajid gaaray

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In