Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee drones-ka militiga Mareykanka uu leeyahay ayaa maalintii khamiistii waxaa ay fulisay howlgal lagu dilay horjoogiyaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo qorsheeyay dil loo geystay muwaadiniin Mareykan ah sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Pentagon.
Hassan Ali Dhoore, oo kamid ah horjoogiyaasha Al-Shabab ee xiriirka la leh Al-Qaeda, ayaa Peter Cook, oo saxaafadda u qaabilsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon waxaa uu war qoraal ah ku sheegay in Dhoore uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka isla markaana oo ku lug lahaa weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho.
“Anagoo si dhow u darsayna natiijada howlgalka lagu diley horjooge Dhoore waxaa ay dharbaax weyn ku tahay awoodda, qorsheynta iyo howlgalada kooxda Al-Shabaab ay la beegsadaan dowladda Soomaaliya, muwaadiniinta Soomaaliyeed saaxiibada Mareykanka ee gobolka iyo guud ahaan Mareykanka,” ayuu yiri Mr Cook.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay meel 20 mile u jirta degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose, isla markaana gentaal lagu dhuftay gaari uu la socday horjooge Xasan Cali Dhoore oo ay la socdeen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab xilli fiid hore ah.
Madaxa saxaafadda ee Pentagon Peter Cook ayaa sheegay in Dhoore uu si toos ah ugu lug lahaa weerarkii 25 December, 2014, lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, kaas oo lagu diley tiro kamid ah nabad ilaaliyeyaasha ee AMISOM iyo nin Amerikaan ah oo lagu magacaabo Brett Fredricks oo la shaqeynayay hey’add tababarada ka caawisa howlgalka AMISOM ee Bancroft.
Sidoo kale waxa uu ku lug lahaa weerarkii bishii March 27, 2015, lagu qaaday Hotel Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay 15 ruux oo ay ku jireen muwaadin Soomaali oo heystay dhalashada Mareykanka sida ay sheegtay Pentagon, iyadoo isla weerarkaasi uu ku dhintay Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Dalka Switzerland Yusuf Mohamed Baribari.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cali baashi ayaa uxaqiijiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA in hawlgalkii habeen hore ee Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen Shabeellaha hoose ay ku dileen Horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabijiray Xasan Cali Dhoore oo Kooxdaasi u qaabilsanaa amniyaadka iyo Toboneeyo Maleeshiyaad ah oo lasocday.