Taliska ciidamaa AMISOM ayaa sheegay in horjooge ka tirsan Al-Shabaab ay xalay ku dileen hawlgal ciidammadadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay si wadajir ah uga fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Taliyaha qaybta koowaad eeciidamada AMISOM, Jenneraal Sam Okiding ayaa sheegay in hawlgalka oo ka dhacay inta u dhexaysa deegaannada Buufoow iyo Jannaale ay ku dileen 22 xubnood oo ka tirsanaa Shabaab oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Cabdirashiid Buqdube.
Wuxuu sheegay in hawlgalka oo ay iska kaashanayeen ciidammada cirka iyo kuwa dhulka lagu bar-tilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaalaysanayeen kooxo katirsan Shabaab.
Waxaa kaloo uu sarkaalku sheegay, in kooxda lagu dilay hawlgalku ay ka koobnaayeen horjoogaha iyo ilaaladiisiim isagoo xusay in howlgalku ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga waddada isku xirta deegaannada Buufoow iyo Janaale, wuxuuna intaasi raaciyay iney iska caabbin kala kulmeen malleeshiyada Al-Shabaab.
Jenneraal Sam Okiding waxaa uu sheegay inay sii wadayaan hawlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Shabaab ee dhibaatada ku haya ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.