Wafdi balaaran uu hogaaminayo kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Masar ugu qaabilsan arrimaha Afrika Maxamed Idris oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa kormeeray dugsiga tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliya Xigeenka Booliska, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha diabdda.
Taliyaha ciidanka booliska ayaa wafdiga si diiran ugu soo dhaweeyay dugsiga Jeneraal Kaahiye, iyagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska.
Wafdi ayaa ku soo wareegay qeybaha ay ka koobantahay dugsiga tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, iyadoo munaasabad lagu soo dhaweynayo ay goobta ka sameeyeen ciidanka booliska iyo fanaaniinta kooxda Heegan, kuwaasi oo goobta ka qaaday suugaan afka carabiga ah ku saabsan, taasi oo qiiro gelisay kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Masar ugu qaabilsan arrimaha Afrika Maxamed Idris iyo wafdigii la socday.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in wafdi ka socda dowladda Masare ay soo gaaraan Muqdisho, isla markaana kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyo Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab.
kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Masar ugu qaabilsan arrimaha Afrika Maxamed Idris ayaa sheegay in Masar ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska ciidanka booliska.