Tuesday, November 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo hay’adaha samafalka kala hadashay u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Abaaraha ee Golaah Wasiirada ayaa lagu soo bandhigay xadiga abaaraha ka jirta gobollada dalka, waxana goob joog ka ahaa mas’uuliyiinhta  hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobe, iyadoo dhanka qadka uu uga qeyb galay xubnaha Qaramada midoobe ee ku sugan Magaalada Nairobi.

Shirak ayaa waxa la isku weedaarsaday doorka Hay’adaha gar gaarka iyo talaabooyinka ilaa hadda ay qaaday Dowladda Soomaaliya si loo caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Related posts

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kulanka ka sheegay in abaarto ay baahsan tahay,  loona baahan yahay talaabooyinka deg deg ah oo loo qaado wax ka qabashadeeda,  isla markaana ay Dowladda ilaa iminka ku bixisay dhaqaalo wax ka qabashada Abaaraha.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed iyo Wasiiro Dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaraha ee arimaha bii’ada ayaa ayaa tilmaamay inay laga maar maantahay inay Caalamku uu si deg deg ah Soomaaliya wax ugula qabto abaaraha ka jira gobolada dalka.

Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kulanka kaddib la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii hay’adaha samafalka ay gacan uga geysan lahaayeen u gurmadashada dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

“Waxaam la kulanay  Hay’adaha Samafalka ee ku sugan Muqdisho iyo Nairobi waxaana kala hadalnay  wax qabashada abaaraha si deg deg ah, marka waa inaan la siyaasadeen gurmadka deegaanada dowaldda maamusho iyo kuwa Al-Shabaab ay ku suganyihiin, dowladdu waxa ay ku howlantahay badbaadinta naf” ayuu yiri Wasiir Xidig.

Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo Federaalka aya tallaabo farxad leh ku tilmaamay in dhaqaalaha Mas’uuliyinta iyo shaqaalaha Dowaldda ay iska aruurriyeen la gaarsiiyay qeyb ka mid ah meelaha ay abaaruhu sameeyeen

Dowladda Soomaaliya oo in ka badan labo milyan oo dolar ugu talagashay dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa dhawaan hal milyan oo doolarka mareykanka ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha, kuwaasi oo gaarsiiyay dadkii loogu talagalay.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Daawo  sawirrada dhismaha waddada Dan-wadaagta

Next Post
Daawo  sawirrada dhismaha waddada Dan-wadaagta

Daawo  sawirrada dhismaha waddada Dan-wadaagta

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

November 10, 2025
0

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan wasaaradaha arrimaha gargaarka ee...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

November 10, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In