Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka koofur galbeed oo Buur-hakaba gaaray

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Maamul cusub oo loo magacaabay degmada Buur-hakaba “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wefdi wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka koofur galbeed Soomaaliya ayaa gaaray degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, ayagoo kulamo la yeeshay qeybaha bulshada ee degmadaasi.

Taliyaha booliiska gaarka ah ee dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya, Maxamed Isxaaq Cari-case, oo kamid ah xubnaha gaaray halkaasi ayaa  Radio Muqdisho u sheegay in u jeedada wefdiga ay quseyso arimo badan oo xaalada degmada ku saabsan.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

September 5, 2026
Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

September 5, 2026

Taliye Cari-case ayaa tilmaamay in degmada Buur-hakaba ay kamid tahay goobaha ciidanka maamulka lagu tababarayay isla markaana loo qeybiyay ciidankaasi saanadii ay ku howlgali lahaayeen.

“Qorshe guud oo dowladda koofur galbeed ay u dejisay in degmo kasta ay ka howlgalaan 300 oo askari ayay kamid tahay tan Buur-hakaba,” ayuu yiri Cari-case.

Mas’uuliyiinta soo gaaray degmada Buur-hakaba, ayaa waxaa kamid ah wasiirka warfaafinta, wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka iyo xubno kale oo uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Baay.

Previous Post

Daawo  sawirrada dhismaha waddada Dan-wadaagta

Next Post

Kulan Alle bari ah oo lagu qabtay Muqdisho iyo baaq loo jeediyay shacabka

Next Post
Bulshada oo lagu Wacyi galinayo Ahmiyadda Amniga

Kulan Alle bari ah oo lagu qabtay Muqdisho iyo baaq loo jeediyay shacabka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

September 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u gudbisay dukumentiga ansixinta Heshiiska Dhismaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda...

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa hoygiisa qado sharaf iyo soo...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In