Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka “lama ogolaan doono gaari aan laheyn taariko lambar”-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka “lama ogolaan doono gaari aan laheyn taariko lambar”-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo xalay shir saxaafadeed ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo xaaladda gobolka quseysa.

Mudane Yuusuf, guddoomiyaha gobolka, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan la ogolaan karin in magaalada lagu dhex wato gaari aan laheyn taariko lambar ha wato shacab ama mas’uul dowladeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay in shacabka degan magaalada Muqdisho looga baahan yahay in ay qaataan teesare minishiibiyo ama warqada aqoonta ee dowlada hoose ee Xamar si loo soo celiyo nidaamka dowliga ah.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray in barnaamijka “hal dollar ku dhiso dalkaaga” uu meel wanaagsan uu marayo isla markaana dhismaha waddooyin laami ah oo barnaamijkaas lagu hirgeliyay gebagebo ku dhow yihiin.

“Arinta canshuuraha guriyaha waa mid muhiim u ah horumarka dalka hadda waxaa noo taala liaa 400,000 oo dollar laguna dhisi doono waddooyin laami ah oo uu kamid yahay waddada wadnaha, canshuurta waxaa qaada dowlada hoose iyo wasaaradda maaliyadda,” ayuu yiri Jimcaale.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in amniga gobolka Banaadir wax badan laga qaban doono isla markaana shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan sugidda amniga magaalada Muqdisho.

FB_IMG_1459969702160 FB_IMG_1459969706607 FB_IMG_1459969712234 FB_IMG_1459969715871

Previous Post

Dad ay daadad ku dileen gobolka Owdal

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa...

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(WASHINGTON):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ka warbixiyay shir sanadeedka Gugga(Spring Meetings)oo lagu qabtay magaalada Washington....

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay bulshada ay abaartu saameysay ee ku nool degmada Raaga Ceelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In