Taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Genaral Cabdi Axmed Faadaco oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan kuwa CXDS ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mida xeryaha ciidamada ee ku
yaala magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka mudug.
Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa ugu horreyn kormeerkooda ku tagay xerada ciidamada qeybta 21aad xoogga dalka soomaaliyeed ee ku taala magaalada galkacyo halkaasi oo ay ku sugnaayeen cutubyo ka tirsan CXDS kuwaasi oo horay u ahaa ciidamada daraawiishta Galmudug balse haatan si rasmi ah uga mid noqday CXDS gaar ahaan kuwa qeybta 21aad ee Xoogga dalka soomaaliyeed, waxaana taliyuhu uu halkaasi warbixino uga dhageeysteen saraakiishii ciidamada ee xerada ku sugnaa kuwaasoo ugu warbixiyay xaalada guud ee ciidanka
Taliyaha Qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay ciidamada ayaa waxa uu sheegay in wax badan laga qaban doono baahiyada ay soo gudbiyeen saraakiisha ciidanku isagoo dhanka kalana sheegay in salaan iyo hambalyo ku aadan guushii ay ka gaareen dagaalkii ay la galeen argagixisada al shabaab uu uga wado madaxweynaha dalka xasan sheikh maxamuud wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha CXD Soomaaliyeed.
Taliyaha qeybta 21aad ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa meelaha uu kormeerka ku tagay ka mid ahaa xabsiga magaalada Galkacyo halkaasi oo ay ku xiran yihiin ilaa iyo 110 maxbuus oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii
shabaab ee ciidamada Galmudug ay kusoo qabteen dagaalada waxaana taliyuhu intii uu ku guda jiray kormeerkiisa xabsiga uu warbixino ka dhageeystay. Saraakiisha ciidanka booliska ee xabsigaasi gacanta ku haya.
Sawir Qaade Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)