Friday, May 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorka Haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta haweenka adduunka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay isugu yimaadeen ururrada haweenka ee ka jirta caasimadda, isla markaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayay doorka haweenka ee siyaadda ku leeyihiin iyo qoondada ay horey dowladda u balan qaaday ee ah in 30% ay haweenku leeyihiin baarlamaanka.

Qaar ka mid ah haweenkii kulanka ka hadlay ayaa yiri “Haweenku waa udub dhexaadka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya, waxaan doonaynaa inaan helno xaqeena ay ku leenahay baarlamaanka iyo Hay’adaha Dastuuriga ee dalka”.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwa Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in haweenku ay udub dhexaad u yihiin Nabadda iyo horumarka muhiimna Ay u yihiin dhismaha Dowladnimada.

“Horumar iyo Nolol waxa ay ku xeranyihiin Haweenka, waxaan doonaynaa in aan helno Qoondada Barlamaanka cusub ee dalka waliba labada Aqal” ayay tiri Marwo Batuulo.

Wasiiro Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa haweenka u muujiyay kalsooni iyo sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay uga go’antahay in Haweenku helaan Qoondada Barlamaanka cusub.

“Waxaan idin balan qaadaynaa inaan ku dadaalno helidda qoondada Barlamaanka cusub, waxaana loo baahan yahay dadaal wadajir ah, waan aaminsanahay in haweenku waxqabad leeyihiin, waxaana rajaynaynaa inaad heshaan balanqaadkiina” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha.

Previous Post

Xildhibaan Maryan Qaasim oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay dalka Thailand “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Kumaandooska oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Next Post
Xuska 55 guurada ciidanka Xoogga Dalka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Ciidamada Kumaandooska oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In