Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday ka qalin jabisay Jaamacadda Hope oo shahaadooyin la gudoonsiiyay-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Arday ka qalin jabisay Jaamacadda Hope oo shahaadooyin la gudoonsiiyay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ardaydan oo tiro ahaan ku dhowaa 300 ayaa kala ahaa Bachelor-ka iyo Master degree ayaa ka qalin jabiyay Jaamacada Hope oo kaashanaysa  jaamacadda Kampala, ayaa maanta xafladii loo qabtay waxaa ka qeybgalay  mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maamulka jaamacadda iyo ardayda xafladda loo qabtay.

Madaxa jaamacadda Hope ee magaalada Muqdish, Maxamed Sheekh C/raxmaan (Badri) ayaa faahfaahinaya qeybaha ardaydan ay ka kooban yihiin.

Related posts

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026
Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Shacabka gobollada dhexe oo rajo ka muujiyay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, hambalyeeyayna hoggaankiisa cusub

January 18, 2026

Guddoomiyaha akadeemiyadda fanka iyo suugaanta, Dr Cismaan  Yuusuf Maxamed Jirfe oo kamid ahaa mas’uuliyiintii xafladda lagu casuumay ayaa ardayda Soomaaliyeed ku booriyay in ay ku dadaalaan cilmi baarista..

”Ku dadaala taariikhda iyo cilmi baarista markii ay dowladda dhacaysay dadka archeologist ahaa afar kali ah ayay ahaayeen halka dalalka dariskeena ah ay boqolaal iyo kunanaan ay ku xisaabtamaan” ayuu yiri Dr Cismaan.

Prof. Najiib Sheekh C/kariim, oo ah guddoomiyaha guud ee jaamacadda Hope ayaa ardayda u sheegay in uu wadanka xil weyn uu ka saaran yahay sidaa darteedna looga baahan yahay in ay ku fikiraan horumarkiisa.

“ Adinkoo og in dhinacna idin fiyoobeen ilaa intii ay dowladdu burburtay ileen dowladu hal maalin a dhicinee maalinba waxbaa dumayay, in ummaddaan dulaal iyo malaal carab iyo ajami aynan u kala eexan laakiinse aan wali noolnahay walina aan ordayno” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Najiib.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa xafladda ka sheegay in dhalinyarada ay u istaagaan samatabixinta dalka maadaama ay yihiin mustaqbalka wadanka.

“Soomaaliya population ay tahay waa garanaysaa 10 -12 milyan kheyraadka ay leedahayana Afrika inta ka bato ayaa meelo kale la siin geyn karaa, waxa idin sheegayaa cilmi baare Swedish ah 2000 ayuu qorey article uu leeyahay Soomaaliya 20 sano ee socota waxaa ay noqon karta dalka ugu visaha qaalisan aduunka” ayuu yiri  Geedi.01 02 03 05 06 08 0555 2222 4477 22226 33333 IMG_1596 IMG_1614 IMG_1650 mataan sccc

Gabagebadii mas’uuliyiintii xafladda ka soo qeybgalay ayaa shahadooyin ku gudoonsiiyay ardaydii maanta xafladda qalin jabinta loo qabtay.

 

 

Previous Post

Maamulaha xarunta agoonta Boondheere oo hambalyo diirran u diray shacabka iyo madaxweynaha Jabuuti+”Daawo Heeso”

Next Post

Xasan Xanafi oo la toogtay SAWIRO

Next Post
Xasan Xanafi oo la toogtay SAWIRO

Xasan Xanafi oo la toogtay SAWIRO

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay maydadka tiro ka mid ah Khawaarijta iyo hub fara badan oo...

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Shacabka gobollada dhexe oo rajo ka muujiyay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, hambalyeeyayna hoggaankiisa cusub

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabka ku nool gobollada Hiiraan, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ayaa ka hadlay sida ay u soo dhaweynayaan dhismaha Maamulka Waqooyi...

Geesiyaasha Qaranka oo ka hortagay dhagar ay damacsanaayeen Khawaarijta

Geesiyaasha Qaranka oo ka hortagay dhagar ay damacsanaayeen Khawaarijta

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa hambalyo diirran u dirtay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed kaddib caleemo-saarkii guuleystay ee Madaxweynaha Dawladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In