Thursday, February 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

​Wefdi dowlada hoose ee Istanbul oo soo gaaray Muqdisho-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
​Wefdi dowlada hoose ee Istanbul oo soo gaaray Muqdisho-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigan oo ka socday dowladda hoose ee Istanbul oo shalay soo gaaray magaaladda Muqdisho iskuguna jiray mas’uuliyiin iyo ingineero ka socda dalka Turkiga ayaa qiimeyn ku sameeyay qorshaha dib u dhiska waddada 30-ka oo ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada Muqdisho.

Socdaalka qiimeynta wafdigan ay ku tageen waddada Sodonka ayaa waxaa ku wehlinayay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada mudane Iimaan Nuur Iikar, gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka, iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Istanbul.

Related posts

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

February 5, 2026
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

February 5, 2026

Xunbaha wafdiga ayaa qiimeynta ka dib waxaa sheegeen in dhawaan ay bilaabi doonaan fulinta balan qaadkii dowladda hoose ee Istanbul ee Turkiga kaasi oo ku aadanaa in ay dhisayaan waddada 30-ka ee maagalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho mudane Shekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa dhankiisa tilmaamay in aad ugu faraxsan yahay in balan qaadkii dowlada hoose ee Istanbuul uu bilaawdo fulintiisa, raja wanaagsan ay ka qabaan in dhawaan umadda Soomaaliyeen ee ku nool gobolka loo dhiso waddada 30-ka, ka dib iskaashiga dowaladaha hoose ee Muqdisho iyo ISTANBUL.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waday maalmahan dambe dadaalo dib u dayac tir loogu sameenayo waddooyinka magaaladda Muqdisho, waxaan dad badan oo reer Muqdisho aad ugu riyaaqeen sida ay dhabta kaga tahay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir dib u soo celinta bilicda Muqdisho.

IMG_4422 IMG_4425 IMG_4438 IMG_4526

IMG_4613 IMG_4615 IMG_4634

Previous Post

Tahriibiyaal Soomaali ay ku jirto oo ku dhintay badda Mediterranean

Next Post

Wasiir Maareeye iyo Safiirka Sweden oo ka wadahadlay horumarinta Warbaahinta Soomaaliya

Next Post
Wasiir Maareeye iyo Safiirka Sweden oo ka wadahadlay horumarinta Warbaahinta Soomaaliya

Wasiir Maareeye iyo Safiirka Sweden oo ka wadahadlay horumarinta Warbaahinta Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

February 5, 2026
0

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa si weyn...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka

February 5, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026:  — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa lagu soo...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

February 5, 2026
0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kormeer shaqo ku tagay Suuqa Xoolaha iyo xeryaha ay ku nool yihiin...

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

February 5, 2026
0

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa maanta fagaare kula hadlay bulshada iyo maamulka Degmada Balcad, iyagoo jeediyay dardaaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In