Munasabad lagu taageerayay guusha uu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka gaaray doorashii ka dhacday dalkaasi ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xafladdan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha degmada Beledweyne macalin Cismaan Qalaafoow iyo duqa degmada Beldweyne Cumar Aadan Deeqoow iyagoo sheegay in ay si aad ah usoo dhaweynahaan madaxweynaha dalka Jabuuti guusha uu ka gaaray doorashada.
Taliyaha ciidamada Boliska degmada beledweyne Korneyl Cali dhuux Mahad alle iyo taliyaha meleriga gobolka Korneyl Tawane Axmad Guray ayaa dhankooda sheegay in dadka reer Hiiraan ay manta u tahay
malin farxadeed waxeyna u hambalyeeyeen madaxweeynaha iyo shacabka Jabuuti.
Taliyaha ciidanka Jabuuti ee gobolka Hiraan Korneyl Xasan Jamac ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay ka qeybgalka xafladda lagu taageerayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana uu sheegay in ciidanka Jabuuti ay sadax sano joogaan Hiiraan, isagoo xusay iney ka qeybqaateen nabadgelyada iyo horumarka gobolka.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yusuf Axmad Hagar ayaa munaasbadda ka sheegay in dadka reer Hiiraan iyo maamulkoodaba aysan ilaabi doonin wax tarka dowladda jabuuti, iyo ciidankeedaba.