Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha R/wasaaraha”Shirka waxaan hor dhignay siyaasadda amniga qaranka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha R/wasaaraha”Shirka waxaan hor dhignay siyaasadda amniga qaranka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan ku saabsan horumarinta amniga oo uu shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayna ka qeyb galeen Wasiirkada Difaaca iyo Maaliyadda ee Xukumadda, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka, safiirada Midowga Yurub, Mareykanka, Britain, Talyaaniga, Turkiga iyo diblomaasiyiin  kale, ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo diiradda lagu saaray horumarada xagga amniga ah ee ka jirta Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid bile ah ayaa inta uu socday waxaa ay dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay siyaasadda amniga Qaranka, iyadoo wakiilada beesha caalamka ee shirka ka qeybgalay ay aad ugu riyaaqeen hanaanka siyaadadda amniga Qaranka ee uu soo bandhigay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraah Mudane Maxamed Cumar Carte oo la hadlay Warbaahinta Qaranka kulanka kadib ayaa sheegay in shirka la isku soo hadal qaaday sidii loo tayayn lahaa ciidamada qalabka sida, gaar ahaan xoogga dalka iyo ciidanka badda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa hoosta ka xariiqay in shirka ay hor dhigeen siyaasadda Amniga Qaranka, taasi oo sahleysa in horumar wanaagsan laga gaaro amniga, isla markaana guud ahaan dalka laga ciribtiro maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya waxa ay kormeer howleed ku tegeen dekada Caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi oo shalay ay saameysay mowjado badda ka yimid, waxaana ay warbixino ka dhageysteen maareeyaha dekadda oo madaxda u sharxay sida ay u saameysay dabeylihii shalay ka kacay dekadda Muqdisho,

 

 

Previous Post

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis ku aaddan ganacsiga

Next Post

R/wasaare ku xigeenka oo ku amray hey’adaha ammaanka iney bur buriyaan shabakadaha dadka tahriibiya

Next Post
R/wasaare ku xigeenka oo ku amray hey’adaha ammaanka iney bur buriyaan shabakadaha dadka tahriibiya

R/wasaare ku xigeenka oo ku amray hey'adaha ammaanka iney bur buriyaan shabakadaha dadka tahriibiya

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In