Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyayaasha degmoyinka gobolka iyo taliyayaasha Saldhigyada Booliska oo tababar loo soo xeray+SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyayaasha degmoyinka gobolka iyo taliyayaasha Saldhigyada Booliska oo tababar loo soo xeray+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad tababbar loogu soo xiraye guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo taliyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka ayaa  lagu qabtey dugsiga  tababarka  General kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya,  guddoomiye ku-xigeynka dhinaca siyaadda iyo amniga ee maamulka gobolka banaadir  iyo guddoomiyaasha todobo iyo tobanka degmo ee gobolka banaadir ayaa ka qeybgalay,

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Sidoo kale kooxda Bambeyda ciidanka booliska iyo kooxda fannaaninta Heegan ee ciidanka booliska soomaaliya ayaa intii ay socotey munaasabada halkaasi kusoo bandhigey sugaan ka turjumeyso wada shaqeynta ciidanka iyo shacabka

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreen ka hadley guddoomiyaha degmada Xamar jab jab oo u hadlayay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka ayaa ballan qaaday in ay ka dhabeyn doonaan waxyaabihii ay ku barteen tababarka.

Guddoomiye ku xigeynka dhinaca amniga iyo siyaasadda gobalka banaadir Maxamad Axmad Diiriye yabooh ayaa shacabka waxa uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka si loo xaqiijiyo amniga caasimaadda muqdisho.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamud oo munaasabadda ka hadlay  ayaa sheegay in loo baahan yahay amni si taa loo helana ay taliska Booliska ka fureen tababar ku saabsan ammaanka iyo sharuucda nabadgalyada kaas oo loo qabtay guddoomiyaasha gobalka iyo taliyaasha Saldhigyada ciidanka booliska ee gobolka banaadir.

Dhanka kale  S/Gaas Maxamed Shiiq Xasan Xaamud taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa kulan dardaaran ah la qaatay 30 Saraakiil ah oo katirsan ciidanka booliska Soomaliya kuwaas oo dhawaan u anbabixi doono magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga halkaa soo ay kaga qeeb galidoonaa aqoon kororsi socon doono mudo sadax Bilood ah.

BH0A9475 BH0A9477 BH0A9479 BH0A9485  BH0A9490 BH0A9491  BH0A9495 BH0A9497  BH0A9500 BH0A9501 BH0A9503   BH0A9508 BH0A9509  BH0A9512 BH0A9552 BH0A9553 BH0A9554 BH0A9575

BH0A9575 BH0A9576 BH0A9577

Previous Post

Dibad bax lagu muujinayay dhibaatada Tahriibka oo maanta muqdisho ka dhacay+SAWIRRO

Next Post

Wasaaradda Haweenka oo qabatay kulan looga hadlayay xuquuqul insaanka “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Haweenka oo qabatay kulan looga hadlayay xuquuqul insaanka “SAWIRRO”

Wasaaradda Haweenka oo qabatay kulan looga hadlayay xuquuqul insaanka "SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In