Wednesday, August 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay doorashada iyo xiriirka Ruushka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 23, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta furidoona kalfadhigi ugu dambeeyay ee Baarlamanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Arrimaha Wabiga Shabeelle, doorashada iyo socdaalka uu Ra’iisul Wasaaraha Dalka uu ku joogo Dalka Ruushka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA isla markaana ka hadlayay webi shabeelle ayaa tilmaamay in ay jirto xeerar caalami ah oo aan suurta gelin karin in Ethiopia ay xirato biyaha webiga Shabeelle, waxaana uu intaa ku daray inaysan ka fileyn dowladda Ethiopia inay xiraneyso biyaha webiga.

Related posts

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

August 20, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay xiriirka dowlada ay la yeelaneyso dowladda Ruushka iyo socdaalka uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku tegay dalkaasi ayaa tilmaamay in dowladda ay xiriir soo jireen ah la lahayd Ruushka, isla markaana ay dowladda markale soo ceshaneyso, ujeedkuna aysan ahayn in dowlad kale lagu dulminayo, madaaama ay dowladda Ruushka ay lacago ku leedahay Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka uu meel wanaagsan marayo, isla markaana ay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dib u dhiska ciidanka, waxaana uu Madaxweynuhu intaa ku daray inay sii xoojinayaan xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay weli isticmaaleyso hanaanka doorasho ee 4.5 ku saleysan ee ah habka qabiilka, waxaana uu intaa raaciyay in xuquuqda haweenku aysan noqon doonin mid la duudsiiyo oo ay heli doonaan waxa ay xaqa u leeyihiin.

 

 

 

Previous Post

Kulan tahriibka looga hadlay oo muqdisho ka dhacay

Next Post

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya iyo Masar oo heshiis gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya iyo Masar oo heshiis gaaray “SAWIRRO”

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya iyo Masar oo heshiis gaaray "SAWIRRO"

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

August 20, 2025
0

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo tartanka sannadlaha ah ee Lady Justice Joyce Aluoch International Intervarsity ADR...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

August 20, 2025
0

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Geeddi Oomane...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta    

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

August 20, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta. Labadan eedaysane ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In