Munaasabad kooban oo lagu soo xirayay siminaar ku saabsanaa sidii loo tayeyn lahaa aqoonta maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda SIU oo socday muddo labo maalmod ah ayaa manta laguso gaba gabeyay magalada Muqdisho.
Waxaa munasabada goob joog ka ahaa mas’uuliyin ka mid ah mamulka iyo macalimiinta Jaamacadda, iyadoo casharada ay bixinayeen Dr C/risaaq Xasan Maxamed, Jaamac Cabdullaahi Gubaash iyo Lea kuusileti Awale oo u dhalatay dalka Finland oo siminaarka kaga qeyb qaadatay muuqaal araga Skype.
Siminarka waxa uu la xiriiray qorsha wanaaga, hogaanka iyo ilaalinta waqtiga oo dhamaan ahaa ciwaano wax gal u ahaa mamulkii iyo macalimiintii qaybta ka ahaa siminaarka.
Shukri Cabdiqaadir Axmed iyo Maxamed Axmed Mire oo ka mid aha macalimiintii siminaarka aqoon kororsiga ah loo soo gabo gabeeyay oo madasha ka hadlay ayaa xusay in waxyaabaha ay ka faa’iideysteen siminaarka ay ku dabaqi doonaan adeegyada ay u hayaan ardayda Soomaaliyeed, ayna ku faraxsanyihiin siminaarka loo qabtay. Waxay sidoo kale macalimiinta ka codsadeen guddoonka Jaamacadda in la joogteeyo kulamada kuwan oo kale ah, madaama ay ka faa’ideen cilmi, tusale u ah dadaallada maamulka Jaamacadda S.I.U ee ay ku tayaynayaan tacliinta sarre.
Madaxa xiriirka guud ee Jaamacadda SIU Cabdullaahi Goomeey Dhabocadeye ayaa sheegay in ujeedka siminaarka uu yahay sidii maamulka iyo macalimiinta ay u xoojin lahaayeen wajibaadka kasaaran u adeegidda ardayda Soomaaliyeed.
“Siminaarkan waxaa lagu baranayay hogaaminta wanaagsan, qorshe wanaagga iyo ilaalinta waqtiga, runtii waxaan leenahay in badan ayaa laga faa’iiday, waxaana ku rajo weynahay inaan joogteyno siminaarada nuucaani oo kale ah”ayuu yiri Cabdullaahi Goomeey.
Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda SIU ee dhanka maaliyadda Suheyb Cilmi Dhuxulow oo soo xiray siminaarka ayaa xusay in muddada yar ee ay jirto Jaamacadda ay ku talaabsatay horumar dhinac kasta leh, sida xiriirada caalamiga ah ee Jaamacadda ay la yeelatay Jaamacado magac iyo miisaan kuleh Qaaradda Africa oo Jaamacadda S.I.U ay u dirtay arday, iyadoo isticmaalayso barnaamijka iswaydaarsiga ardayda iyo Jaamacadda oo loo dhamaystiray dhammaan agabka ardayda ay u baahan yihiin si ay u helan xuquuqda ardaynimo.
“Runtii ilaalinta waqtiga oo uu maanta na siiyay Dr Jaamac, waxaan dhihi karnaa, maamulka Jaamacadda SIU horey ayay ugu guuleysteen, sababtoo ah iyada oo waqti yar jirta ayay horseed ka noqotay Jaamacadaha dalka ku yaalla, maxaa yeelay waxa ay arday u dirtay Jaamacado ku yaalada Dalalka Uganda, Kenya iyo Sudan oo ay ku soo qaadanayaan tababbaro dhanka caafimaadka ah” ayuu yiri Suheyb Cilmi Dhuxulow.
Ugu dambeyntii macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda SIU ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin ka turjumeysa waxyaabaha ay siminaarka ku qaateen.
Sawir Qaade:- Mohamed M Hassan White-ka